WAJAALE NEWS

Sheekh Dirir Oo Bayaamiyey Sababta Uu Inta Badan Uga Cudur-daarto Xilalka Dowladeed Ee Loo Magacaabo!

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka jawaabay su’aallo laga waydiiyey saxnimada fariiqooyinka culimada iyo haddii uu koox fariiqo ah ku jiro + sababta uu uga maqnaado xallinta khilaafyada siyaasiga ah ee dalka

HARGAYSA(W,N)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, ayaa bulshada u bayaamiyey sababta uu inta badan uga cudur-daarto haddii loo magacaabo xilal dowladeed ama xilal heer qaran ah.

Barnaamij magaciisu yahay “Sheekh Dirir iyo kulanka warbaahinta” oo habeenkii Jimcaha lagu qabtay Masjidka Rusheeye ee Caasimadda Hargeysa oo wargeyska Jamhuuriya si kooban warbixin uga diyaariyey, waxa uu sheekhu si guud uga hadlay sida ay muhiimka u tahay in saxaafadda Somaliland iyo guud ahaan warbaahinta Soomaalidu ay mihnadooda shaqo ku saleeyaan mabaadii’da guud ee islaamka, xoriyadda iyo madaxbannaanida ay haystaan u gutaan si waafaqsan anshaxa iyo dhaqanka islaamiga ah, xeerarka dalka iyo danaha guud ee bulshada, iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo dambi iyo ciqaab Alle lagu mutaysan karo ifka iyo aakhiraba.

Haddaba, saddex suxufi oo barnaamijkaas ka qaybgalay oo kala ah; Xasan Galaydh, Badri Koosaar iyo Faysal Fifa, ayaa sheekha weydiiyey su’aallo kala duwan oo si khaas ah u khuseeya Sheekh Dirir iyo doorka uu ku dhex leeyahay bulshada, waxayna su’aalaha iyo jawaabaha uu Sheekhu bixiyey u dhaceen sidan;

Suxufi Faysal Fifa: Sheekh Maxamed Cumar Dirir, waxa aad ka mid tahay culimada waaweyn ee dalka ama Soomaalidaba, waxa ayna dadku isweydiiyaan inta badan xilalka dhanka dowliga ah ee laguu magacaabayo waad ka cudur-daarataa, markaa bal dadka u bayaami sababta aad xilalkaas uga cudur-daarato?

Sheekh Dirir: Xagga xilalka berigii ay jirtay dowladdii hore ee Kacaanka ayaa waxa dadka lagu eedayn jiray wax ah… isla markaana ah….isla markaana ah (Ahna…Ahna…ahna…) macnuhu waxa weeyaan qofku xil ayuu hayaa, haddana xil kale ayuu hayaa, haddana ku saddexaad ayuu hayaa, markaa eedaymaha lagaga caban jiray ayey ka mid yihiin, dadkuna waxay ku fiican yihiin inay takhasusaad kala yeeshaan oo qofba meel lagu ogaado. Horta waan ka cudur-daaranayaa taas aad tidhi; ‘culimada waaweyn ayaad ka mid tahay’ ee anigu ardayda ayan isku tiriyaa, waxaanna weeye in qofku uu naftiisa aqoonsado, markaa qofku marka uu diin faafinayo ee uu dawadii isku deyayo inuu dadka wax ka gaadhsiiyo, maadaama ay diintu dawo tahay, waxaana marar badan iska dhacda in wixii aad sheegaysay in sidiisa loo qaato ay xilalka aad ka haysaa ka horyimaadaan oo waadiga arkay oo xilalkuna xaasaasiyad badan ayey iska leeyihiin oo midiba meel ayuu ku yara calaamadsan yahay, markaa dhexdhexaadnimadii aad  dhexdhexaad u noqon lahayd bulshada aad wax u sheegayso iyo sidii loo qaadan lahaa dawada aad gudbinayso ayey runtii carqalad ku noqotaa marar badan, markaa qofka daaciga ahi waxa uu ku fiican yahay inuu dadkana dhex u noqdo iyo bulshadiisa, si aqoonta uu gudbinayo looga qaato oo aan loo duri karin, markaa taasi qayb weyn ayey runtii ka tahay, mararka qaarkoodna waxyaabo kale oo ku sii xeeran oo xagga qaanacaadda la xidhiidha ama in aanad meeshii (laguu magacaabay) waxba ka qaban karina iyaduna way ku jirtaa.

Xasan Galaydh: Waxa jira fariiqooyin dhinaca culimada ah oo dhinacyo kala duwan leh oo ka jira dhulka Soomaalida, wayna badan yihiin oo magacyana way la baxaan. Sax miyey tahay islaamka dhexdiisa inta ay culimo is-urursato ay magac gaar ah la baxdo? Haddiise ay sax tahay adigu Sheekh Dirir ahaan firqaddee ayaad ku jirtaa oo ma Ictisaam ayaad tahay, ma Salaful-saalix ayaad tahay, ma Qaadiriya ayaad tahay?

Sheekh Dirir: Horta marka hore waxa xusid mudan culimadu cirka kamay soo dhicin ee bulshada ayey ka mid yihiin oo ha noqdaan dad islaam ah oo dadka diinta ugu baaqaya, waxase aynu ogsoonnahay dadku marka ay wax samaysanayaan inay u samaysanayaan inay diinta ku xoojiyaan waxay soo geli kartaa baabkii (aayadda qur’aanka ah) ee ah in la isku kaashado wanaagga iyo Alle-ka-cabsiga, balse aan la isku kaashan xummaanta oo metelan haddii koox weriyeyaal ah ayaad isku urursateen oo waxa aad ku heshiiseen; ‘aynu wax u tarno diinta iyo dalka oo waxaas oo khayr leh aynu baahino, waxaas oo shar ahna aynu joojino, barnaamijkaas iyo guddidaasna aynu u samaysanayo, miisaaniyadna aynu u samaysanno, xafiiskaasna aynu u samaysanno’ markaa waxa iska macruuf ah camalka noocaas ah ee jamaaciga ah ee aad isugu timaadeen inuu ka tayo roonaan karo camalka qof qudhi qabanayo oo ururro bulsho ayaa jira, waxaanna urarradaas bulsho loo sameeyaa si loogu horumariyo wixii wanaag ah ee aynu doonayno ee dal, dad iyo diinba ah. Markaa haddii ay arrintu sidaas tahay oo dadkan isku yimid ee diin ahaan isugu yimid ay isugu yimaadeen; ‘aynu wax u tarno dacwad iyo diinta islaamka’ waa sax oo aayaddaas (aayadda 2-aad ee suuratul Maa’iida) ayaa sheegaysa, haddii laakiin arrintu ay tahay wax kale oo ay wax kale ku hoos jiraan oo manfacad iyo masaaliix lagu raadsanayo ama cid kale lagaga aarsanayo ama dadka muslimiinta ah qaarna lagu fogaynayo, qaarna lagu soo dhawaynayo, taasi sax maaha, markaa cid walba way ismaqlaysaaye jawaabtaas caamka ah ayaa laga faa’iidaysan karayaa. Aniga haddii aad i weydiisayna (cidda aan ku jiro) idinka ayuun baan idin kala mid ahay oo muslimiinta Soomaaliyeed ayuun baan ka mid ahay ee kooxna kuma jiro.

Badri Koosaar: Inta badan khilaaf siyaasi ah ayaa marar badan ka dhaca dalka, waxaana la arkaa culimada qaar oo cumaamadda la orda oo gala sidii ay arrintaas khilaafka ah u xallin lahaayeen, adigana inta badan laguguma arko oo waxa la yidhaahdaa; ‘Sheekhu wuu ka muquurtaa’ ee maxaa keenay in aad arrintaas ka muquurato?

Sheekh Dirir: Khilaafaadka siyaasiga ah runtii waynu garanaynaa oo way iska jiitan iyo culays badan yihiin, markaa qofka sidaas aan horeba u soo sheegay ama duruus bixinaya ama wada kulamada dacwadda iyo muxaadaraatka, marka uu arrimahan oo kale iyo shirarkan dhex galo wax badan ayey keenayaan inay runtii carqalad ku noqdaan barnaamijyadiisii dacwiga ahaa iyo macallinnimadiisii. Beryihii hore oo mararka qaarkood marka laga baqo in waddanku uu khalkhal galo, xiliyada qaar waan geli jiray (dedaalka xallinta ah), eed badana wayba naga raaci jirtay; ‘waar, wadaadkii aan casharkiisa dhegaysan jiray maanta go’aankan uu soo saaray aniga iimaba hiilinayo’ eeddaasina way ku badan tahay, markaa inta la heli karayo dad badan oo ku filnaada oo doorkaas dhexdhexaadinta qaata inay culimadu ka madaxbannaanaadaan oo dacwadooda u madaxbannaanaadaan way iska fiican tahay.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aallo kale oo ay suxufiyiintu ka weydiiyeen lacagaha kala duwan ee loo yaqaan “qabaxda” weriyeyaashu ka qaataan siyaasiyiinta ama cidda ay wararka u faafiyaan, isagoo Sheekhu iftiimiyey in lacagtaasi ay xalaal noqon karto haddii aanay ahayn mid laaluush ah, isla markaana ay ogyihiin, raalina ka yihiin maamulka ama cidda iska leh hay’adda warbaahineed ee weriyuhu u shaqaynayo, balse waxa uu tilmaamay inay lacagtaasi xaaraan noqonayso haddii ay tahay mid laaluush ahaan loogu talogalay, sidoo kale aanay raali ka ahayn ama ogayn warbaahinta weriyuhu u shaqeeyo.

Waxa kaloo uu Sheekh Dirir ka hadlay doorka muhiimka ah ee looga baahan yahay saxaafadda dalalka Islaamka ama Soomaalida oo ah inay mar walba ku shaqayso mabaa’iida aan ka hor imanayn shareecada islaamka iyo shuruucda u yaal dalka ay saxaafaddu ka hawlgasho, isagoo guud ahaanba bahda saxaafadda xasuusiyey inay ku dedaalaan faafinfa waxkasta oo dambi iyo ciqaab Alle lagu mutaysan karo ifka iyo aakhiraba, kana mid yihiin soo gudbinta wararka isku-dirka ah, fidmo-abuurka, beenta, kala-kaxaynta bulshada iyo waxkasta oo keeni kara burbur ummadeed iyo nacayb dadka dhexdooda ah.

 

Exit mobile version