Hargeysa(Wajaalenews)Garabkii Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye ayaa maanta War-murtiyeed ka soo saaray Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xisbiga kulmiye oo ahaa in gudidii golaha dhexe iyo xubinimadii xisbigaba laga qaaday qaar kamida garabka isbahaysiga KULMIYE,.
Kulan oo ay maanta magaalada hargaisa ku yeesheen Labada Xubnood ee Ka Tirsan Hogaanka Xisbiga KULMIYE kana mid ah isbahaysiga waa gudoomiye ku xigeenka labad iyo Ka Sadexaad ee xisbiga kulmiye’ e ayaa waxay soo saareen war murtiyeed ay kaga jawaabayaan warsaxaafadeedkii shalay kazoo baxya xisbiga kulmiye.
Waxaana warmurtiyeedka ay soo saareen garabka isbahaysiga kulmiye uu u dhignaa sida tan.
Jahmhuuriyada Somaliland
“War-murtiyeed”
Date, 24-Mar-2016
Ref. KDC/08/012/2006
Ujeedo: Dedefayn Qoraalka ka soo baxay Garabka Gudoomiyaha Muuse Biixi.
Tixraac Qoraalka sumadiisu tahay XK/XGX/0042185/2016 kuna taariikhaysan 23/03/2016 kana soo baxay xafiiska garabka kulmiye ee Gudoomiye Muuse Biixi ee lagu faafiyay warbaahinta ujeedadiisu ahayd lumin Xil iyo Xubinimo xisbi.
Hadaba shir ay isugu yimaadeen Hogaanka, gudiga fulinta iyo xubnaha golaha dhexe ee garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan :
In aany jirin xubin ka tirsan garabka Isbahaysiga Dimoquraadiga Kulmiye oo lumisay xilalkeedii iyo xubinimadeed xisbiga kulmiye.
In aanu jirin shir loo dhanyahay oo hogaanka iyo gudiga fulinta xisbigu Iskula-qaateen luninta xillalka iyo xubinimada Xisbiga kulmiye.
In Gudigii Isbahaysiga ee loo magacaabay la xaajoodka siyaasadeed ee xisbiyada ay sidoodii yihiin sharci u diidayaana aanu jirin.
Gebogebadii:-
Qoraalka ka soo baxay xafiiska garabka gudoomiyaha wuxuu muujinaysaa fashilka hogaamineed ee Muuse Biixi oo xaaladiisu wakhtigan marayso “neef la gawracay geedo kama waabto” iyadoo xisbigii kulmiye labo garab u kala fadhiyo hadana u tafaxaytay Xasarado aan kala joogsi lahayn ee ay ugu danbaysay faraglinta Saldalada guunka ah iyo birma-magaydada madax-dhaqameedka.
Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye
Xil. Maxamed X. Yuusuf Waabeeye
Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye
Xil. C/raxman Maxamed Talyanle