WAJAALE NEWS

Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Xukuumadda ku Badhi furtay Shirkii Turkiga iyo Jamaal Caydiid oo ay Sahatay ka Qaybgalka Shirkaasi.

Hargeysa,  (Wajaalenews)- Maareeyihii hay’adda abaabul ka saarka qaranka Jamaal Caydiid ayaa xilkii uu hayey laga qaaday ka dib markii la sheegay inuu shirkkii ganacsiga Soomaaliya loogu qabtay Istaanbuul ee dalka Turkiga ka qaybgallay.

Jamaal Caydiid ayaa rugta ganacsiga u matalayey ka qaybgalka shirkaasi, iyadoo casuumadaas shirkana ay usoo direen dawladda Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u shaacisay in aanay shirkaasi ka qaybgalin, haseyeeshee, Jamaal oo ka tirsan masuuliyiinta dawladda ayaa isagu si madax banaan u tagay shirkaasi, wallow markii uu shirkaasi tagay sheegay inay qaadaceen inay ka qaybgalin shirkaasi maadaama oo Somaliland ka soo qaybgalin.

Tan iyo intii xilka madaxweynenimo la wareegay madxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dadka siyaasadda odorosa sheegeen inay fududaatay ka qaybgalka shirarka Somaaliya loo qabto, iyadoo Soomaaliya shakhsi shakhsi u casuunto muwaadiniin reer Somaliland shirarka si caalamka u tusto inay Somaliland qaybka tahay.

Soomaaliyaa ayaa markay ogaatay in aanay Somaliland ka qaybgalleen shirkaasi casuuntay rugta ganacsiga Somaliland, kuwaas oo shirkii ka qaybgallay iyagoo waliba ogaa in xukuumadda Somaliland qaadacday ka qaybgalka shirkaasi.

Arrintan ka qaybgalka shirka ayaa weji gabax ku noqotay Somaliland ka dib markii beesha caalamka  sheegtay in aanay shirkaasi ka qaybgaleen balse masuul ka tirsan xukuumada oo matalaya rugta ganacsiga uu shirkaasi ka qaybgallay taas fadhi fur ku noqotay Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa looga fadhiya inay talaabo ka qaado rugta ganacsiga ee casuumadda sida toos ah loogu soo hagaajiyey.

 

Exit mobile version