WAJAALE NEWS

Dagaal Culus Oo Deegaanka Tukaraq Ku Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland

Hargaysa(W,N)-Dagaal Culus Ayaa saaka Subaxii Hore Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo kuwa Maamul Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq oo 35 Kiilo Miitir u jirta magaalada Garoowe.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay markii ciidamadda maamulka puntland dagaal ku soo qaadeen kuwa Somaliland sida ay Noo Xaqiijiyeen Sarkiil Ku Sugan Aaga Dagaalka,waxaana lasoo sheegayaa in dagaalkaasi ay ka dhasheen Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac balse ilaa hadda lama hayo cida Xaqiijin Karta khasaarahu inta uu leeg yahay.

Wixii Warar Ah Ee Soo Kordha Kala Soco Wajaalenews

Exit mobile version