WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Koonfur Afrika Oo Ay Mucaaridka Dalkiisu Ku Buuqeen Xili Uu Rabay In Uu Khudbad jeediyo.

koofur.jpgMadaxweyne Jacob Zuma ayaa markii hore soo galay gudaha baarlamaanka isaga oo go’aan ahaan aad uga liita sidii hore.

Jahawareer ayaa shalay ka dhacay gudaha baarlamaanka dalka koonfur Afrika, halkaasi oo siyaasiinta mucaaradka dalkaasi ay khal-khal geliyeen khudbad uu jeedinayay madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma.

Xubnaha ka tirsan mucaaradka garabka bidix ee Economic Freedom Fighters ayaa waxa ay dalbadeen in ay hadal jeediyaan kaddibna waxa ay billaabeen dhaleecayn ka dhan ah madaxweynaha.

Madaxweyne Zuma ayaa waxaa uu ku khasbanaaday in uu isaga dego masraxa ka hor inta afhayeenka baarlamaanka aysan ku khasbin xildhibaanada mucaaradka in ay ka baxaan dhismaha baarlamaanka.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa markii hore soo galay gudaha baarlamaanka isaga oo go’aan ahaan aad uga liita sidii hore.

Kal hore usbuucan ayuu madaxweyne Zuma waxa uu iska indha tiray

warbixin uu soo saaray guddiga anshaxa ee dalkaasi oo kula taliyay madaxweynaha in uu bixiyo kharashkii ay dowladda ku bixisay dayac tirka gurigiisa gaarka ah.

Mar uu dambacay in uu khudbad u jeediyo shacabka dalkiisa ayaa waxaa madaxweyne Zuma si joogta ah ugu buuqay oo shoobara ku kiciyay xubnaha mucaaradka dalkaasi, kuwaasi oo xitaa u diiday in uu jeediyo khudbaddiisii uu uga hadli lahaa xaaladda waddankiisa.

Mucaaradku waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha in uu baal maray wixii uu u dhaartay markii xilka loo dhiibayay, waxa ayna ugu baaqeen in uu xilkaasi iska casilo.

Kaddib dood wakhti dheer socotay ayaa xubnaha xisbiga mucaaradka ee EFF waxa ay isaga bexeen dhismaha baarlamaanka, waxaana taasi ay u suurta gelisay madaxweyne Zuma in uu shaaciyo qorshaha uu u hayo dalkiisa sida in uu dib u soo nooleeyo dhaqaalaha sii liicaya ee dalkaasi Konfur Afrika.

Wariye: Abdulkadir Habane
Hargeisa Office
Wajaalenews.net

Exit mobile version