WAJAALE NEWS

Guddoomiye Cirro Oo Safarro Isku Sidkan Ku Tegay Toddobaadkii Hore Jabuuti Iyo Kiiniya Iyo Qoraal Uu Ku Baahiyey Barta Facebuugiisa Oo Hadal Hayn Abuuray!

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa toddobaadkan ka soo laabtay socdaal isku sidkan oo uu ku tegay Dalka Jabuuti iyo dalka Kiimiya,kaas oo ka duwanaa socdaaladiis hore uu ku tegay jiray labada dal,isla markaana la tuhunsan yahay inuu xidhiidh la lahaa socdaalkii uu Madaxweyne Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo ay dalkaas ku tageen bishii hore  ee December.

Guddoomiye Cirro, ayaa safaradii hore uu ee ku tegi jiray dalalka Kiiniya iyo Jabuuti si isku mid ah aan u booqan jirin xarumaha Safaaradda ay Somaliland ku leedahay dalalkaas, balse hadda Guddoomiye Cirro ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii wuxuu sannadka 2021-ka si isku mid ah u bookhday xarumaha Safaaradda ay Somaliland ku leedahay Jabuuti iyo Magaalada Nayroobi ,isagoo la kulmay Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaalada Jabuuti Cabdifataax Iyo Safiir ku-xigeenka Magaalada Nayroobi u fadhi Somaliland Sharmarke Geelle.

Dhanka kalene Safaradan isku iskan ee uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cirro iskaga dab-qaaday dalalka Kiiniya iyo Jabuuti, ayaa si dhab ah loo ogeyn ujeedadooda,waxay daaranay, isla markaana sidii looga bartay qoraalo uu kaga hadlay socdaalkiisa iyo cidda uu la kulmay mu baahin Xisbiga WADDA,balse xoggo soo baxaya, ayaa sheegay inuu la xidhiidho safaradii uu Madaxweyne Biixi ku tegay Jabuuti iyo Kiiniya bishii hore.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu Facbuuga ku leeyey Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ku sheegay in 8 bishan uu kula kulmay Magaalada Nayroobi laba sarkaal oo Maraykan “Waxaa saaka igu soo booqday Hotel-ka aan ka deggenahay magaalada Nairobi ee Serena Hotel, laba sarkaal oo ka tirsan Safaaradda Maraykanka .” ayaa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey barta Facbuuga uu ku leeyahay Guddoomiye Cirro.

Geesta kalene dadka isticmaala baraha bulshada oo kun qof ka baddan oo faallo ka bixiyey qoraalkaas ayaa Guddoomiyaha ku dhaliilay qaabka uu soo dhigay qoraalkiisa, waxaana qaarkood ahayeen qaar dalbanayey inuu tafaasiil ka bixiyo wixii ay ka wadda haddleen oo kooban,isla markaana aanay macno iyo nuxur lahayn odhaahda u dhigan laba sarkaal oo maraykan ah ayaa igu soo bookhday huteelka aan deganahay,halka qaarna ay la hayeen bayjkan Guddoomiye Cirro cid kale ayaa gacanta ku haysa,kuwaas  oo si yaabo kale duwan u eedaynay Guddoomiya, waxaana xusid muddan in qoraalkaas ay si weyn uga falceliyeen bulshaddu , isla markaana ay uga soo horjeesteen.

XIGASHO WARGAYSA FOORE.

Exit mobile version