Gen.Zdravko Tolimir oo ay Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalkii ku xukuntay xabsi daa’in ayaa kamid ahaa saraakiishii ka qeyb qaatay xasuuqii Muslimiinta ku noolaa magaalada Srebrenica ee wadanka Bosnia, sanadkii 1995tii.
Jeneraalka Tolimir oo ahaa 67sano jir ayaa la xukumay sanadkii 2012, waxaana lagu hayey xabsi ku yaal magaalada The Hague.
Illaa iyo hada lama cadeyn waxa sababay geerida Jeneraalkan, balse horey ayuu u qabay xanuun dhanka wadnaha ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Bishii April ee sanadkii tagay ayuu codsaday jeneraalka in lasii daayo, balse Maxkamada Abiilka ayaa diiday codsigaasi.
Waxaana lagu tilmaamaa ninkaasi saraakiishii lahaa amarka lagu xasuuqay rag iyo dhalinyaro Muslimiin ah oo gaaraya 8000.
Sarkaalkan ayaa gacan yare u ahaa Taliyaha guud ee ciidamada Serbia ee ka dagaalamayey Bosnia Gen. Ratko Mladic oo laftiisa hada ay u socoto maxkamadeyntiisa.
Waxaa isaga sidoo kale wadno xanuun xabsiga Holland ugu dhintay Madaxweynihii hore ee Serbia Slobodan Milosevic sanadkii 2006 xili uu saarnaa maxkamada caalamiga ah ee ku taal The Hague.
Waiye: Abdulkadir Habane
Wajaalenews.net
Hargeisa Office