WAJAALE NEWS

DAAWO;Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Sheegtay Inay Maxkamad La Tiigsan Doonan Koox fanaaniin Ah Oo Ay Dhawaan Xabsiga U Taxaabeen+Magacyada Fanaaniinta Xidhan

Hargeysa(Wajaalenews) Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,oo maanta warfidiyeenada kula hadleysey xarunta wasaaradda deegaanka ee magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horreysey ka hadashey  xadhig dhawaan lagula kacay koox fannaaniin ah oo sida la sheegay dhawaan aymasuuliyiinta  wasaraaradda deegaanku xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa u taxaabtay,

https://youtu.be/1Ds6XrPnu78

Marwo Shukri Baandare ayaa si cad u sheegtay inay fannaaniintaasi ay wasaaradda dhexdeeda ka sameeyeen dagaal iyo rabshado waxaana ay tidhi.

“Waxa weeyey fannaaniitaasi waxay sameeyeen dagaal,anigu shir jaraa’id ayan ku jirey wakhtigaa ay rabshahadu dhacayeen,kaddibna ciidanka ayey la dagaalameen iyaga oo wata dhagaxaan markaa namay soo ogaysiin aniga markaa waxaan arkay nimankan oo la hahayo oo dagaalamaya dhagaxaana tuuriya ciidankana la dagaalamay waana xidhan yihiin hada sharcigana waan la tiigsan doonaa”Ayey tidhi Marwo Shukri Baandare.

Dhanka kalena  Shirkan jaraa’id ayaa waxaa ku wehelinayey wasiirada agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Cali Waxaana uu ka dhawaajiyey inay maxkamad la tiigsan doonaan fannaaniitan,maadaama ay rabshado ka dhex sameeyeen wasaaradda dhexdeeda waxaana uu yidhi

“Fannaaniintaa waxaanu la tiigsan doonaa maxkamadda waayo waxaan sharcigu ogalayn ayay sameeyeeen oo wasarada dhexdeeda ay dagaal iyp fowdo ka dhex bilaabeen markaa waxaa balan ah inaan sharciga iyo maxkamada la tiigsan doono  ”Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miiga.

Exit mobile version