HARGAYSA(W,N) XOG CULUS; Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Siilaanyo ayaa lagu tilmaamaa xukuumad ku talaabsatay mudadii ay xilka haysay waxyaabo badan oo markii hore ku adkaa Dhagaha shacabka somaliland marwalbana qaadaysay talaabooyin midba mid ku ilaw tahay.
Waxaana iska caadi noqotay waxyaalo badan oo masuuliyada ku ceeb ah sida boobka hantida qaranka. Wareejinta haamaha shidaal, cashuuraha dadka lagu soo rogaya ee aan meelna raacsanayn,iwm
Sidoo kale waxaa wax lagu faano qoday muqmaasuqa iyo hirdanka xubnaha xukuumada kuwada jira oo wakhti badan ku lumay is haysadkooda.
Dhacdooyinkaasi aan kor kusoo xusnay iyo qaarkale oo xiliyadii hore dawladnimada lafjab ku ahaa ayaa xiligan xukuumada siilaanyo waxay noqdeen wax iska caadiya,
Hadaba waxaa maalmihii ugu danbeeyay siyaabo kale duwan usoo ifbaxaysay qorshe cusub oo xubno kamida xukuumada siilaanyo daba ka wadaan ismarkaana lagu dhaxal wareejinayo goobaha ugu muhiimsan gobolka gabilay qorshaynayay, kaasi oo sida wararka aanu helaynaa xaqiijiyeen uu wasiirka madaxtooyada somaliland maxamuud xaashi dabada ka wado sidii loo siin lahaa wasiirkii hore ee warshadaha iyo xildhibaan cabdilaahi balaaki qaybo kamida dhulka mashruuca tog wajaale ee xiligan ay degan yihiin ciidamadu waxna kala soo baxaan.
Xogahan ayaa tibaaxay in ay dhawaan safar qarsoodiya ku tageen mashruuca tog wajaale wasiirka madaxtooyada iyo Abiib Diiriye (Abiib timacad) ujeedad safarkooduna ahaa sidii ay u soo eegi lahaayeen dhulkan mashruuca ah oo sida wararku xuseen ay dalbadeen abiib diiriye iyo xildhibaan cabdilaahi black in lasiiyo qaybo kamida dhulkan mashruuca ee banka wajaale.
sidoo kale xogahan ayaa xustay in labadan masuul uu midkoodba dalbaday min 50higther.
Si cad loma oga ujeedooyinka ku lamaan iyo rabitaanka xiligan ee mashruuca togwajaale. iyo waxyaabaha ka danbeeya doonista labadan masuul.
Dhawaan ayay ahayd markii labada masuul ee hada raba in lagu wareejiyo dhulka mashruuca togwajaale ay ka baydheen garabka isbahaysiga murashixiinta kulmiye oo ay kamid ahaayeen kadib markii ay heshiis hoose lagaleen madaxtooyada oo u gadhwadeen ka ahaa wasiir maxamuud xaashi oo markii danbe sobabtay in ay shirkii golaha dhexe ee kulmiye kasoo xaadiraan kuna wacad furaan murashixiintii shirka qaaday ee ay wada socdeen,
Si katsba ha ahaatee arinta dhulka mashruuca lagu siinayo ayaa u eeg in ay kamid ahayd heshiisyadii ay xiligaa wada galeen wasiirka madaxtooyada masuuliyiinta reer gabiley
Sidoo kale Abiib Diiriye Nuur ayaa isagu hore uga dhex muuqday meelo badan oo maron ka taagnaa xiliyada qaarna ay ka dhaceen isku dhac beelaha gobolka wada dega Kaasi markii danbe kala irdheeyay.
Halka hadii talaabadan loo fuliyana aan lasaadaalin karayn khilaafyada kasoo baxa iyo isqabsi hor leh oo ka dhex qarxa bulshada wada degta dhulkaasi oo hore markii khilaafka mashruuca la xalin kari waayay loga dhigay dhul ciidamadu beertaan.
XIGASHO;SOMALILANDFIRST.COM