Wasiirka Madaxtooyada Oo Ku Hawlan Sidii Shaqsiyaad Gaara Loogu Wareejin Lahaa Mashruuca Banka Tog wajaale Iyo Dareenada Ku Xeeran. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada Oo Ku Hawlan Sidii Shaqsiyaad Gaara Loogu Wareejin Lahaa Mashruuca Banka Tog wajaale Iyo Dareenada Ku Xeeran.
January 24, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) XOG CULUS; Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Siilaanyo ayaa lagu tilmaamaa xukuumad ku talaabsatay mudadii ay xilka haysay waxyaabo badan oo markii hore ku adkaa Dhagaha shacabka somaliland marwalbana qaadaysay talaabooyin midba mid ku ilaw tahay.

wasiir xaashi. abiib diiriye iyo black 33

Waxaana iska caadi noqotay waxyaalo badan oo masuuliyada ku ceeb ah sida boobka hantida qaranka. Wareejinta haamaha shidaal, cashuuraha dadka lagu soo rogaya ee aan meelna raacsanayn,iwm

Sidoo kale waxaa wax lagu faano qoday muqmaasuqa iyo hirdanka xubnaha xukuumada kuwada jira oo wakhti badan ku lumay is haysadkooda.

Dhacdooyinkaasi aan kor kusoo xusnay iyo qaarkale oo xiliyadii hore  dawladnimada lafjab ku ahaa  ayaa  xiligan xukuumada siilaanyo waxay noqdeen wax iska caadiya,

Hadaba waxaa maalmihii ugu danbeeyay  siyaabo kale duwan usoo ifbaxaysay qorshe cusub oo xubno kamida xukuumada siilaanyo daba ka wadaan ismarkaana lagu dhaxal wareejinayo  goobaha ugu muhiimsan gobolka gabilay qorshaynayay, kaasi oo sida wararka aanu helaynaa xaqiijiyeen uu wasiirka madaxtooyada somaliland maxamuud xaashi  dabada ka wado sidii loo siin lahaa wasiirkii hore ee warshadaha iyo xildhibaan cabdilaahi balaaki qaybo kamida dhulka mashruuca tog wajaale ee xiligan ay degan yihiin ciidamadu waxna kala soo baxaan.

Xogahan ayaa tibaaxay in ay dhawaan safar qarsoodiya ku tageen mashruuca tog wajaale wasiirka madaxtooyada iyo Abiib Diiriye (Abiib timacad) ujeedad safarkooduna ahaa sidii ay u soo eegi lahaayeen  dhulkan mashruuca ah oo sida wararku xuseen ay dalbadeen abiib diiriye iyo xildhibaan cabdilaahi black in lasiiyo qaybo kamida  dhulkan mashruuca ee banka wajaale.

sidoo kale xogahan ayaa xustay in labadan masuul uu midkoodba dalbaday min 50higther.

Si cad loma oga ujeedooyinka ku lamaan iyo rabitaanka xiligan ee  mashruuca togwajaale. iyo waxyaabaha ka danbeeya doonista labadan masuul.

Dhawaan ayay ahayd markii labada masuul ee hada raba in lagu wareejiyo dhulka mashruuca togwajaale ay ka baydheen garabka isbahaysiga murashixiinta kulmiye oo ay kamid ahaayeen kadib markii ay heshiis hoose lagaleen madaxtooyada oo u gadhwadeen ka ahaa wasiir maxamuud xaashi oo markii danbe sobabtay in ay shirkii golaha dhexe ee kulmiye kasoo xaadiraan kuna wacad furaan murashixiintii shirka qaaday ee ay wada socdeen,

 

Si katsba ha ahaatee  arinta  dhulka mashruuca lagu siinayo ayaa u eeg in ay kamid ahayd heshiisyadii  ay xiligaa wada galeen wasiirka madaxtooyada masuuliyiinta reer gabiley

Sidoo kale Abiib Diiriye Nuur ayaa isagu hore  uga dhex muuqday meelo badan oo maron ka taagnaa xiliyada qaarna ay ka dhaceen isku dhac  beelaha gobolka wada dega Kaasi markii danbe  kala irdheeyay.

Halka hadii talaabadan loo fuliyana aan lasaadaalin karayn khilaafyada kasoo baxa iyo isqabsi hor leh  oo ka dhex qarxa bulshada wada degta dhulkaasi oo hore markii khilaafka mashruuca la xalin kari waayay loga dhigay dhul ciidamadu beertaan.

 

 

 

 

XIGASHO;SOMALILANDFIRST.COM

 

COMMENTS
LINKS