WAJAALE NEWS

Sirdoonka Maraykanka oo shaaciyey Inqilaab ka dhan ahaa Madaxweynaha Somaliland oo fashilmay iyo wadamadii ka danbeeyay.

Sirdoonka Maraykanka oo shaaciyey Inqilaab ka dhan ahaa Madaxweynaha Somaliland oo fashilmay iyo wadamadii ka danbeeyay.

Washington(Wajaalenews)  Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) ayaa shaaca ka qaaday inay ka dambeeyeen inqilaab fashilmay oo Somaliland ka dhacay dabayaaqadii sannadkii hore waddan qaaradda Yurub ku yaal iyo shirkad sahamin shidaal, isla markaana maalgelintiisa ka dambeeyeen.

Sida lagu baahiyey barta net-ka ee Hay’adda Raadinta macluumaadka sirdoon (Strategic Intelligence Service) ee fadhigeedu yahay Maraykanka, oo daba-gasha macluumaadka sirdoon ee caalamka ayaa lagu sheegay in hay’adda CIA-da oo Maraykanka u qaabilsan diyaarinta macluumaadka Sirdoon ee caalamka xog-ogaal u ahayd inqilaabkii Somaliland ee fashilmay oo ka dhan ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo.

Xogahan oo SIS daabacday 24 November, 2015 ayaa lagu sheegay in CIA ku sheegtay dalka Ingiriiska iyo shirkadooda sahaminta shidaalka ee British Petroleum (BP) ka dambeeyeen inqilaabkii fashilmay ee ku waajahnaa hoggaamiyaha Somaliland. .

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay xogahaa inaanay jeclaysan inqilaabka Ingiriiska, isla-markaana xog-ogaal u ahayd in wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriisku oo kaashanaya hawlwadeeno ka socday Shirkadda sahaminta shidaalka BP oo si weyn u danaynaya keydadka shidaal iyo Gaas ee Somaliland maalgeliyeen inqilaabkii Hargeysa ee la sheegay inuu fashilmay.

Inkastoo xogahan sirdoon ee lagu daabacay barta SIS aanay faahfaahin ka bixin macnaha inqilaabka, ayaa dhinaca kale u muuqanaysa inay tilmaamayso iscasilaaddii Wasiirrada iyo Masuuliyiintii kale ee ka dareeray Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo 26, Oktoobar, 2015, kuna beegan bil ka dib markii xogahan la qoray.

Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka weydiiyo dublamaasiyiinta safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriisku ku leeyahiin caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, oo qaabilsan danaha iyo xidhiidhka waddamadooda u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland ayaanay noo suurtoobin inaan jawaab ka helo, ka dib markii aanu xidhiidh kala samaynay.

 

XIGASHO WARGAYSKA HIMILO

Exit mobile version