WAJAALE NEWS

Nin Sirdoonka Maraykanka Ka Tirsanaa Oo Bixiyay Xogo Iftiimiyay Inaanu Maraykanku Dilin Osama Bin Laden+Sababtuu U Dhintay

Hargeysa(Wajaalenews)- Sarkaal hore uga tirsanaan jiray Hay’adda Sirdoonka dalka Maraykanka ee la yidhaah CIA-da, ayaa fashiliyey in aanay ciidanka Maraykanku dillin hogaamiyihii Al-qaacida Osama Bin Laden, balse uu u geeriyooday xannuun hayey sannadkii 2006.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Barrack Obama, ayaa hore u shaaciyey in hawlgal ciidanka khaaska ah ee dalkiisu fuliyeen lagu dilay Osama Bin Laden 2 May 2011, xilligaasoo la sheegay inuu ku jiray guri ku yaal magaalada la yidhaah Abbotabad ee dalka Pakistan.

Hasayeeshee, sarkaal hore uga mid ahaa sirdoonka Maraykanka oo magaciisu yahay Berkan Yashar, sidoo kalena ah siyaasi u dhashay dalka Turkiga, ayaa waraysi uu siiyey telefishanka Channel One ee waddanka Ruushka toddobaadkan, waxa uu ku caddeeyey in hogaamiyihii Al-qaaciida geeriyooday shan sanno ka hor xilliga Maraykanku sheegeen inay dileen.

“Bishii September ee sannadkii 1992 oo aan xilligaas joogay dhulka Chechnya (Jeejniya), ayaan markii u horraysay la kulmay ninka magaciisu ahaa Osama Bin Laden, iyadoo kulankaasina ka dhacay dhisme laba dabaq ah oo ku yaal caasimadda Grozny, dhismaas dabaqa ugu sareeya waxa ku noolaa qoys qoyska madaxweynihii hore ee dalka Georgia, kaasoo laga eryey xilligaa dalkiisa, annaguna waxa aannu ku kulanay qaybta hoose ee dhismahaas fooqa ah oo uu sidoo kale ku noolaa Osama Bin Laden,” ayuu yidhi sarkaalkan ka tirsanaa sirdoonka Maraykanka oo ka xog-waramay kulankiisii u horreeyey ee uu la yeesho Osama Bin Laden, isla markaana uu ku caddeeyey inuu xidhiidh la lahaa Al-qaacida, xog badana ka hayo.

Waxa kaloo sarkaalkaasi tilmaamay inuu si shaqsi ah aqoon ugu lahaa saddex nin oo u dhashay degaanka Chechnya oo ka mid ah dal weynaha Ruushka, kuwaasoo uu xusay inay ahaayeen ilaaliyeyaasha Osama Bin Laden ilaa intii uu ka geeriyooday 26 June 2006.

“Haddii adduunka oo dhan rumaysto in Maraykaykanku dillay Osama Bin Laden, aniga suurtogal igama ah in aan rumaysto, sababtoo ah si shaqsiyan ah ayaan u aqaanay ilaaliyeyaashiisa u dhashay Chechnya (Jeejniya), kuwaasoo kala ahaa; Sami, Mahmoud iyo Ayub, iyagoo la joogay in ilaa dhamaadkiisii, wuxuuna u geeriyooday si dabiici ah oo iska caadi ah, cid dishayna ma jirin, iyadoo ay ilaaliyeyaashiisa oo qudha aaseen, taasoo ahayd sida uu ku dardaarmay Osama Bin Laden, waxanna lagu aasay buuraha ku yaal xadka u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan,” ayuu yidhi sarkaalkan CIA-da ahaa oo waraysigiisa Jamhuuriya soo xigtay.

Waxa kaloo uu sheegay in CIA-da Maraykanku afduubteen nin la odhan jiray Sami oo ka mid ahaa ilaaliyeyaasha Osama sannadkii hore, kaasoo markii dambe u sheegay sirdoonka goobta dhabta ah ee lagu aasay, kadibna ay kala soo baxeen qalfoofkiisii.

“Wax weerar ah oo lagu qaaday ma jirin, waxaanan ogahay gudaha hawlgalada Maraykanka oo dhan, kuwaasoo ugu dambayntii helay qabriga uu ku aasnaa Osama Bin Laden, dib ayeyna u foqeen oo ay la soo baxeen, kadibna waxay adduunka u sheegeen inay dileen Osama, iyagoo doonaya inay ummadda tusaan sida tignooloji ahaan ay hay’adaha ammaanku u shaqayn karaan, sida tallaabo kasta loo hubin karo, taasoo ugu dambayntii looga dan leeyahay in dadka cashuur-bixiyeyaasha ah ee Maraykanka lagu tuso in aanay wax bilaash ah ku bixinayn cashuurtooda, laakiin xaqiiqdo sidaas aad ayey uga duwan tahay,” ayuu yidhi sarkaalkan fashiliyey sirta la xidhiidha geerida Osama Bin Laden.

Source: Jamhuuriya

 

Exit mobile version