WAJAALE NEWS

DAAWO;Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Si Adag Ula Hadlay Cullimada Dalka Kuna Dooday In la Ansixiyo Xeerka Baananka Ganacsiga

“Hadaad maanta mid halkaasi wax ka akhriyaya oo leh Ribaa la Wadaa Waxba haka Maqlina,,,Wuxuu Doono ayuu odhanayaa Ileyn Qur’aanka wuu iga Yaqaanaaye”Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa (Wajaalenews) -Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ku dooday in xeerka baananka Ganacsiga ee Golaha wakiilada horyaala  uu horumar weyn ku kordhinayo bulshada Somaliland.

https://youtu.be/G_YFOa7PgOg

Xildhibaanku waxaa uu  sheegay in xeerkani laga badalay qodobkii Ribada dadka laga  qaadayey islamarkaana loo badalay Khidmad, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo arimahan ka hadlaya waxaa uu yidhi “Baanku waxaa uu leeyahay kun macaamil  oo  kale waanu inoo faaideynayaa, waxaynu dhoofinaa xoolo dabadeedna waynu ku silicnaa, laakiinse marka  uu  halkaasi British baankii, French baankii, iyo maraykan baankii kuu yaalo ictimaad ayaad fureynaysaa”

 

Exit mobile version