WAJAALE NEWS

Baashe Maxamed Faarax Muxuu ka Yidhi Ka mid Ahaanshaha Garabka Isbahaysiga Kulmiye?

Hargeysa, (Wajaalenews) -Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta sheegay in aanu ka tirsanayn isbahaysiga Kulmiye ee qaadacay shirkii 5aad ee Xisbigaasi ku doortay musharaxa madaxwayne iyo Ku xigeen.

Baashe Maxamed Faarax waxaa uu ku dooday in uu codka siinayay musharaxiintii ku tartamaysay Kulmiye isagoo sheegay in laga soo gudbay markii uu codeyn lahaa imikana uu yahay masuul ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

“Waxaan ahey guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, baarlamaan ayaan ka tirsanahay kama tirsani isbahaysi, waxaan codka siinayay nin (musharax) codkiina waa uu dhamaadey”ayuu yidhi Baadhe Maxamed Faarax oo kasoo noqday safar uu ku tagay dalka Djabuti.

Isbahaysiga isbadaldoonka KULMIYE ee qaadacay shirkii 5aad ee Xisbigaasi ayaa u eeg wakhtigan kuwo aan isku aragti ka ahayn siyaasada Kulmiye.

 

 

Exit mobile version