Ujeedo:Taagirid Goaankii odayaasha beesha ee ku aadena,shirkada Dahabshiil.
Afrika(Wajaalenews) ;Dhaliinyarada Ganacsada iyo waxgarad ka tirsan beesha suber awal Ayaa simugleh u taageeray go,aan dhawaan ay soo saareen odoyal katirsan beesha kaasi oo ahaa in aan wax macaamila lalasamay xawaalada dahabshiil,
Qoral aya soo sareen Gudida Ganacsada beesha subeer awal ee bariga afrika oo soo gadhay shabakada wajaalenews ayaa wuxu u dhignaa sidan;
Maaha markii ugu horaysay ee shirkada dahabshiil ay hagardaamooyin siyaasadeed u gaysato beelwaynta Subeer Awal,balse waa markii tobnaad ka dib markii ay shaqaale badan oo beeshan ka tirsan intay calaashatay sida xanjada ka dibna macaankii ka dhamaysay tuurtay.
ugu yaraan 7 sarkaal oo beeshan ah ayaa ay shaqadii ay ku tabcayeen ee ay soo aas aasen si beelaysan uga tuurtay labadii sano ee ugu danbeeyay,waxana ka mid ahaa ragaasi kuwan aan hoos ku soo sheegi doono.
1.Abdicasiis Xussein Cali, Waa aas aasihii shirkada dahabshiil Southsudan oo ay ka tuureen shaqadii xaqiisiina ilaa hada aan haynin caga juglayn iyo handidaadna loogu daray.
2.Abdilaahi Tabliiqi waxa uu ahaa aas aasihii shirkada dahabshiil kenya,waxa lagu sameeyay waa wada ogyihiin dadka reer kenya in xitaa laysku dayay in la xidho,ka dib markii ay doonan in sumcadiisa ay waxyeelan balse waxa gashaanka u daruuray ganacsatada beesha oo meel adag uga soo jeedsatay.
3,Abdi khaalaq oo ka howl gali jiray Malysia,ahaana qofkii ugu horeeyay ee dhidibada u taaga dahabshiil,waxa la dul geeyay laba wiil oo beesha bariga burco ah .
4.Xussin Abdi Arwo waa wiil dhalinyaro ah oo ku dhashay dalka uganda waa wiilkii suuragaliyay in Arwo magalada layidhaa ee dalka uganda ka furay kana hirgaliyay xafiiskii ugu horeeyay ee dahabshiil waana xafiiska ugu shaqada badan,xussein iska daa abaal loo gudee waxa lagu riday god,waxa ka soo gaadhay ganacsatada beesha ee uganda oo runtii aad iskugu duuban,xussein imika waxa uu ka shaqeeya SPI hargeisa waa la waraysan karaa waxii lagu sameeyay.
ma soo koobi karno hagardamooyinka ay shirkada dahabshiil ugaysatay beeshan siyaasad ahaanta ay ku kala irdhooben,balse caano daatay dabadood la qabay.
waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan walidiinta ardayda wax ka barata dalka uganda in biilashooda ay u soo mariyaan xawaaladaha kale inta laga furaayo OMARGLOBEL oo gacanta lagu hayo imika,mar labaad waxa aanu guud ahaan beesha subeer awal leenahay kol hadii xawaaladoodi aynu ka yeelanay xawaalad waa in loo hogaansamaa Go,aankii odayaasheena sharafta badan ee gartay in aynu ka wareegno dahabshiil.
wabilaahi towfiiq
ABDIRASHIID HAIBE ABDI
GUDOOMIYAHA GANACSATADA EAST AFRICA EE BEESHA SUBEER AWAL
256792838848