WAJAALE NEWS

Shirkada Dahabshiil Oo Ka Adkaysan Kari Wayday Hadalkii Odaygii Ku Dhawaaqay In Ay Lacagahooda Kala Baxaan Beesha Subeer,awal. Shirkadaasi Bilawdayna Odayaal Waji Ku Macaash Ah Oo Ay Usoo Abaabulayaan Sidii Ay Raali Galin Uga Bixin Lahayeen

Hargeisa(Wajaalenews)Iyada Oo Ay Habeen Hore Isugu Yimaadeen Odayaasha Beesha Subeer Awal Kulan Ay Ku Shacinyeen In Ay Dhawaan Ka Tashan Doonaan Aayahooda Dhanka Siyaasada Ah Ayaa Waxa Ay Halkaasi Kaga Dhawaaqeen Hadal Dhabar Jab Ku Noqdy Shirkada Dadhabshiil Group Kaasi Oo Ahaa In Guud Ahaanba Beesha Habar Awal Ay Lacagahooda Uga Jira Shirkadasi Iyo Waliba Kuwa Ay Kusoo Dirsadaan Ay Ka Daayaan Isla Markaana Ay Sida Ugu Dhaqsaha Badan Ugala Baxaan Lacagahooda, Iyaga Oo Ugu Baaqay In Ay Ku Wareejiyaan Shirkada Ooomaar Qaybteeda Xawaalada Taasi Oo Ay Si Wayn  Usoo Dhaweeyeen Dhamaanba Dadkii Iyagu Madashaasi Ku Sugnaa Oo Sacab Kusoo Dhaweeyey Hadalkasi,

Hadaba Tan Iyo Intii Uu Hadalkaasi Soo Shaacbaxay Waxa Iska Soo Daba Dhacayey Qaylo Dhaan Ka Imanaysay Xaga Mamulyayasha Shirkada Dahabshiil Kuwasi Oo Warbaahinta Ugu Baaqay In Ay Ka Saaraan Warkii Ka Hadlayey In Aan Lacagta Dahabshiil Ayna Kusoo Dirsan Beesha Habar Awal,

Iyaga Oo Warbaahinta Qarkood Ugu Baaqay In Ay Sida Ugu Dhaqaha Badan Uga Saaraan Inkasta Oo Ayna Warbaahintasi Dhagay Jalaq Usiinin Hadaldaasi Hadana Se Waxa Ilaa Iyo Haatan Ay Shirkadaasi Ku Dabo Jirta Sidii Ay Meesha Uga Saari Lahayd Codadkii Dhawaqaasi Iyaga Oo Baadi Goob Ugu Jira Dadkii Soo Galiyey Qolalka Kala Duwan Ee Youtubeka Qaas Ahaan Kaasi Oo Ku Faafay Badiba Websitesyada Kla Duwan Ee Somaliland Iyo Waliba Kuwa Somaliya,

Waxaana Uu Shirkada Dahabshil Ku Noqday Waran Lagu Ganay Kasi Oo Ayna Ilaa Iyo Haatan Ka Dakaysan Iyga Oo Maanta Ilaa Shalay Waday Odayaal Waji Ku Macaash Ah Oo Ay Doonayaan In Ay Raali Galin Ka Bixiyaan Hadaladaasi Iyaga Oo Malintii Shalay Haydna Loo Diiday Odayaashaasi In Ay Ku Hadlaan Hudhelada Kala Duwan Ee Magaalada Hargeisa Iyga Oo Ilaa Shanaya Amaanka Hudhladooda,

Inkasta Oo Ay Manta Haeen Qaar Ka Mid Ah Odayashasi Ayaa Waxa Ay Ka Cudur Daateen In Laga Siidaayo Warbaahinta Sida Tooska Ah Ula Hadasha Aduunka Gaar Ahaan Tvyada Somalida Iyaga Oo Ka Codsaday Warbaahintaasi In Kaliya Laga Sii Daayo Tvyada Loca Ah

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

C/Raxmaan

Exit mobile version