|
|||||
WAJAALE NEWS
Baashe Maxamed Faarax Muxuu ka Yidhi Ka mid Ahaanshaha Garabka Isbahaysiga Kulmiye?
January 9, 2016 - Written by Editor:Hargeysa, (Wajaalenews) -Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta sheegay in aanu ka tirsanayn isbahaysiga Kulmiye ee qaadacay shirkii 5aad ee Xisbigaasi ku doortay musharaxa madaxwayne iyo Ku xigeen. Baashe Maxamed Faarax waxaa uu ku dooday in uu codka siinayay musharaxiintii ku tartamaysay Kulmiye isagoo sheegay in laga soo gudbay markii uu codeyn lahaa imikana uu yahay masuul ka tirsan golaha wakiilada Somaliland. “Waxaan ahey guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, baarlamaan ayaan ka tirsanahay kama tirsani isbahaysi, waxaan codka siinayay nin (musharax) codkiina waa uu dhamaadey”ayuu yidhi Baadhe Maxamed Faarax oo kasoo noqday safar uu ku tagay dalka Djabuti. Isbahaysiga isbadaldoonka KULMIYE ee qaadacay shirkii 5aad ee Xisbigaasi ayaa u eeg wakhtigan kuwo aan isku aragti ka ahayn siyaasada Kulmiye.
Related posts:Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Kulan Ballaadhan Isugu Yeedhay Dhamaan Ergooyinkii Ka Soo Qayb ... Abwaan CabdiJabbaar & Wacdaraha Jacaylkii Qarniga Ee Jilbaha Dhigay Iyo Qiso Jacayl Ah Oo 20 Sanno K... "Cabaashooyinka Ay Telesom Sheegtay Qaar Baan Goob Joog Ka Ahaa Markii Aan Wasiirka Ahaa Oo Jira”..S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|