WAJAALE NEWS

Xubno Kamida Garabka Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye Oo Kulan La Yeeshay Ardayda Reer Somaliland Ee Waxka Barata Dalka Hindiya,

Delhi(W,N)Xubno kamida garabka Isbahaysiga Murashaxiinta Kulmiye ee qaadacay Shirkii golaha dhexe ee Xisbigaas, oo ku sugan dalka Hindiya ayaa kulan kula qaatay Magaalada Hydro-pat Ardayda Somaliland ee halkaa waxbarashada u jooga.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen ku dhawaad Boqol Arday oo waxbarasho ka dhigta Jaamacadaha ku yaalla Magaalada iyo nawaaxigeeda, ayaa waxaa ardaydaa casuumadaas u sameeyey Wasiirkii hore ee Maaliyada oo kamid ahaa Murrashaxiintii Kulmiye ee aan tartanka ka qayb-gelin, waxaana ku wehelinayey Wasiirkii hore ee howlaha guud oo kamid ahaa wasiirradii xukuumadda iska casilay Cabdirisaaq Khaliif.


 Munaasibadan oo ahayd casho sharaf Cabdi casiis Samaale Ardayda u sameeyey, ayaa waxa hadalo kooban ka jeediyey labadan xubnood iyo qaar kamida Ardayda, kuwaasoo nuxurka hadaladoodu ku koobnaa is-xogwaraysi.

Labada Siyaasi oo xaflada hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay dalka Hindiya u yimaadeen howlo caafimaad oo ay u keeneen dad kamida qoysaskooda. Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale ayaa sheegay inuu Aabihii oo xanuunsanayey keenay Dhakhtar ku yaalla halkan, isla markaana uu muddo bil ku dhow joogay waddanka, howlihii uu u yimina si wanaagsan ugu dhamaadeen dhawaana uu dalkii ku noqonayo.

Samaale, ayaan khudbadiisa ku soo qaadan wax siyaasad ku saabsan, waxaanu ardayda kula dardaarmay inay waxbarashada ku dedaalaan, kana midho dhaliyaan tacabka la geliyey.

Geesta kalena, Wasiirkii hore ee howlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu xaaskiisii howlo caafimaad u keenay Dalkan, isagoo xusay in dhamaan howlihii uu halkan u yimi meel wanaagsan u marayaan. Wasiir hore ee hawlaha guud Mr. khaliif ayaa ardayda ku booriyey inay dedaal u muujiyaan sidii ay dalkooda ugula soo noqon lahaayeen waxay dalkan ku barteen.

Xubno ku hadlay afka Ardayda ayaa u mahad celiyey labadan Siyaasi ee Munaasibada casho sharafta ah u sameeyey, kuna hambalyeeyey dhiiri-gelinta ay u jeediyeen.

Siyaasiyiintan ayaa kamida xubnihii ugu miisaanka cuslaa garabkii Kulmiye ee qaadacay Shirka Golaha dhexe oo safaro dibaddeed dalka kaga maqnaa muddo dhowr todobaad ah , kuwaasoo wadamo kala duwan u sadcaalay, isla markaana qaarkood safarkooda calaamatu su’aal saarantahay.

si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqyada ay garabkani ku gaalaa bixinayeen mudooyinkii u danbeeyay gobolada dalka oo badi  si balaadhan loogusoo baxay safaradooda ayaan ku koobnayn oo kaliya gudaha Dalka balse waxa ay garabkan miisaanka lihi safaradoodu ahaa dhinaca wadamada dibada waxaana la filayaa in ay safarkoogaas ugusoo guryo noqdaan wadanka taas oo soo dhawyntooda aad loogu diyaar garoobayo

Xubno kamida garabka ayaa tegay dalka Kenya, qaar waxa la sheegay inay tageen Itoobiya, halka kuwo kalena wadamo Yurub kamida lagu sheegay inay u socdaaleen, waxaana warar xogogaal ah oo ay Qorilugud News ka heshay dhaqdhaqaaqoodu sheegayaan inay maalmaha soo socda dalka ku imanayaan dib u soo laabasho abaabulan oo soo dhaweyn loogu diyaarinayo

 

 

 

 

Exit mobile version