WAJAALE NEWS

Waddamo Somaliland ku jirto oo Tusaale u noqday Olole Caalami ah oo Loogu Gurmanayo Xasilooni-darro ka jirta Dalalka Adduunka qaarkood

Ololahan oo Kulminaya Madaxda hay’ado Caalami ah ayaa soconaya muddo Bil ah

“Dalalkani waxay hirgeliyeen xasilooni iyo Nabad xataa iyadoo Deriskoodu gubanayo”

New York (Wajaalenews)- Olole Caalami ah oo muddo afar todobaad ah soconaya, isla markaana ay qayb ka yihiin hay’adaha gargaarka, ayaa xal loogu raadinayaa qul-qulatooyin ammaan-darro iyo dib-u-dhacyada adeegyada bulshada ee ka jira waddamada adduunka ee qalalaasuhu ka jiro, ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan furmo, waxaana xal-u-raadinta dhibaatooyinkaas looga faa’idaysanayaa waayo-aragnimada laga helay hirgelinta nabadgelyada iyo horumarka ay gaadheen waddamo Somaliland ku jirto oo colaado-sokeeye soo mareen.

Ololaha waxa fulinaya Fagaare lagu magacaabo Devex oo lagu gorfeeyo barnaamijyada horumarineed, mashaariicda ay fuliyaan hay’adaha gar-gaarka, caqadaha ka horyimaadda iyo sidii loo suurta-galin lahaa siyaasad guud ahaan dalalka caalamka iyo daneeyayaasha barnaamijyada horumarintu ka midaysan yihiin, iyadoo la adeegsanayo waayo-aragnimooyinka laga dhaxlay tijaabooyin hore u guulaystay.

Sida aanu ka soo xigannay warbixin kooban oo lagu daabacay degelka Fagaaraha Devex, ololahan oo qodobbada laga duulayo lagu saleeyey su’aalo layska weydiiyey sida looga midha dhalin karo guulaha ay xagga nabadda iyo horumarinta ka gaadhaan dalalka Somaliland, Rwanda iyo Georgia, iyadoo laga faa’idaysanayo waayo-aragnimada laga helayna loogu dabbaqi lahaa xalka qul-qulatooyin ka taagan waddamo ay ka mid yihiin Suuriya, Yemen iyo Koonfurta Suudan, waxa ka qayb-qaadanaya saraakiil sare-sare oo ka tirsan hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka Caalamiga ah ee USIAD, hayadda Mercy Corps iyo Urur qaaradda Yurub u qaabilsan Iskaashiga ammaanka (Chemonics), madaxweynaha Machadka nabadda ee Maraykanka iyo Baanka Adduunka.

“Waddan kasta waxa uu leeyahay caqabado u gaar ah. Sidee baynu u tilmaami karnaa farqiga u dhexeeya iyo siday u kala fog yihiin Isbeddellada guulaystay ee aynu ka aragnay Rwanda iyo Somaliland iyo qalalaasaha daba-dheeraaday ee ka jira Suuriya iyo Koonfurta Sudan si ay inoogu suurta-gasho inay helno xasilooni iyo nabad ka tis-qaadda adduunka.

Qayb ka mid ah xalka arrintan waxa lagu raadinayaa wada-xaajood iyo talo-wadaag laysugu gudbiyo casharro laga bartay qalalaaseyaal hore adduunka u soo maray, kuwaas oo lagu dabbaqi karo xaaladaha kale. Iyadoo la bilaabayo todobaadkan, Devex iyo saaxiibbada ay wada-shaqeeyaan waxay bilaabayaan ololahan oo muddo bil ah socon doona. Dood-wadaaggan caalamiga ahi waxa uu diiradda saari doonaa sidii loo fahmi lahaa waxyaabaha hortaagan in guul laga gaadho dhibaatooyinka jira iyo sidii loo baadi dooni lahaa fursadaha soo wejaha dalalka marka qalalaasuu ka jiro iyo sidoo kale sida ugu habboon ee Ururrada gar-gaarka ee Caalamku uga fal-celiyaan Qalalaasaha jira,” Sidaas waxa lagu sheegay warbixin lagu baahiyey bogga Intenetka ee Fagaaraha Devex.

“In kasta oo aanay ahayn inaanu iska indho-tirno xaqiiqooyinka, waxa jira sheekooyin inaga mudan in xuso. Todobadaadka labaad waxaanu ku soo qaadan doonaa xaaladaha ka jira Rwanda, Georgia, Somaliland iyo dalal kale oo horumar ka sameeyey dhinaca nabadda xataa iyagoo xasilooni-darro iyo qalalaase ka jiro waddamada jarkooda.”

 

Sida warbixinta lagu sheegay, waxa uu ololahani dadka ka qayb-galaya ku kulmin doonaa, afkaartooda isku weydaarsan doonaan xidhiidhka Internetka muddada bisha ah ee Ololahani socdo, iyadoo todobaad kasta laga hadli doono mawduucyo gaar ah.

 

Anne Richard, kaaliyaha Xoghayaha waaxda Dadweynaha, Qaxootiga iyo guur-guurka dadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee hay’adda Chemmonics Eric Reading iyo shakhsiyaad kale oo caan ah, ayaa ka qayb-qaadan doona ololan iyagoo kala wada-faaqidi doona istaraatajiyo lagu gaadhi karo Xasiloonida loo baahan yahay in la helo.

“Qallafsanaanta xaaladaha qalalaase waxay ku khasbayaan daneenayaasha Arrimaha Horumarinta, Dowladaha, Deeq-bixiyeyaasha iyo inay si qoto-dheer u fahmaan taariikhda, siyaasadda iyo Dhaqanka waddan kasta leeyahay.

Todobaadka saddexaad, waxaanu wada-xaajood furan kala yeelanaynaa ururrada caqabadaha jira ee ay kala kulmaan marka ay timaaddo inay ka hawl-galaan dalalka xasilooni-darradu ka jirto iyo gar-gaarka bani’aadamnimada, anagoo weydiinayna sida ay kaga gudbaan haboon ee ay kaga fal-celiyaan qalalaasaha daba-dheeraaday ee ka jira Koonfurta Sudan, Suuriya iyo Yemen.” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta Devex.

Ugu dambayn, waxa warbixinta lagu sheegay in natiijada Ololahani ka filayo qorsheyaal xal loogu raadiyo dhibaatooyinka ka jira waddamada Caalamka colaaduhu qayrkood ka reebeen, isla markaana deegaan nabdoon oo xasaradaha iyo colaadaha ka fayow loogu heli lahaa mashaariicda horumarineed ee adeegyada bulshada iyo dadka jilicsan loogu gurmado.

Exit mobile version