Hargeysa(Wajaalenews) Shirkii Shanta cisho ee u dambeeyay magaalada Hargeysa uga socday safiirrada Somaliland iyo wasaaradda arrimaha dibada oo ay weheliyaan asxaabta qaranka iyo mudaneyaal wakiillada ah, ayaa la soo gabogabeeyay, waxaana laga soo saaray qodobo saldhig u noqon doona hanaanka citiraaf raadineed ee Somaliland iyo xidhiidhka Somaliland la yeelanayso beesha caalamka.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa bulshada u faahfaahiyay qodobada ka soo baxay shirkaasi, waxaana ka mid ahaa sidii Somaliland ula shaqayn lahayd waddamada la qaadan kara qaddiyadda oo Ingiriisku ugu horeeyo, hay’addaha caalamiga ah ee gacan ka gaysan kara iyo qabashada doorashooyin hufan.
https://youtu.be/M1PjWGMum8I