WAJAALE NEWS

Arimo Cakiran Oo Ka Taagan Kastamka Cashuuraha Qaadka Ee Kalabaydh Iyo Ujeedooyinka Ay Ka Leeyihiin Wasiir Sacad & Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyadu!

GABILEY(W,N)-Hadalhaynta Indhawaale ka taagneyd, Kastamka Cashuuraha Qaadka ee Magaalada Kalabeydh, oo 11Km Dhinaca Galbeed Kaga Beegan Magaalada Gabiley, ayaa isa soo Tareysay Maalimihii u Dambeeyay Kadib Markii halkaa laga fuliyey Mashaariic dano gaar ah ku Saleysan, oo ay Ka biyo diideen inta ugu badan ee Shirkadaha Ka Ganacsada Qaadku, iyadoo Saamaynta ka dhalatey Miisaanka Kumbiyuutarka ah, ee Shirkad Lagu Magacaabo Sahal,

Maamulka kastamka kalabaydh ayaa shalay ilaa maanta bilaabay in ay ganacsatada qaadka ku qasbaan in ay miisaanka saaraan qaadkooda kuwaasi oo diiday islamarkaana maamulku ku dhex ganaaxay xayndaabka kastamka iyadoo ay xidh xidheen qaarkamid ah qaad cashuurada ka hawlgala kastam kalabayd halka sedex katimid loosoo dhaadhiciyay saldhiga magaalada gabiley.

Sidoo kale qaarkamid ah ganacsatada qaadka keena oo iyagu diiday miisaanka ayaa ilaa hada ku xaniban kastamka kalabaydh taasi oo keentay in ganacsato badan oo qaadka keenaa ka leexdeen kastamka kalabaydh iyagoo uguuray kastamada Baligubadle iyo Kastamka Goro cawl ee gobolka awdal taasi oo hoos udhac ku keentay dhaqaalihii kasoo xaroon jiray kastamka Kalabaydh iyadoo talaabooyinka ay wasaraada maaliyadu ka Wado kastamka kalabaydh ay umuuqdaan kuwo ay ku xidhaysp Isha kaliya Ee Dhaqaale Ee Gobolka Gabiley Oo qaranka Muhiimad wayn uleh dhaqaale ahaan.

Haddaba Miisaankan Kumbiyuutarka, ah oo Wakhtigan La geeyay, Kastamka Cahsuuraha qaadka Kalabeydh oo uu Kali Ku yahey Meelaha la Geeyay, ayaa La sheegay in ujeedadiisu aheyd Arimo ku Salaysan Dano gaar ah, oo dhaqaale Maadaama Mashruucan lagu Fuliyay Lacag Tiro badan, oo ay Maalgalisay Wasaaradda Maaliyada Somaliland islamarkaana, dhaqaale Badani ugu jiro Sida la xaqiijiyay, Wasiir Sacad, oo aan lagu Tuhunsaneyn, Dhaqaale urursiga haseyeeshee, Noocyada heer Caalamiga ah Uu u qaabilsan Agaasimihiisa Guud ee Wasaaradda Mr Gurxan, sida ay hadalhayaan dadka ugu badan ee Dhaq-dhaqaaqyada Danaysiga ah ee Wasaarada la Socdaa.

Barnaamij xadgudub ku ah Dadka Masaakiinta ah ee Ka shaqeyn jirey Kastamka Cashuuraha Qaadka ee Magaalada Kalabeydh kaas oo lagu barabixiyay Xamaaliintii Sanadaha badan shaqaalaha ka ahaa Kastamkaasi Kadib Markii, ay Wasaaradda Maaliyadu keentay Mashruuc ay ku Faa,iidayso Shirkad laga leeyahey Gobolka Saaxil, oo ay Shiraako la yihiin Saraakiisha Sarsare ee Wasaaradda Maaliyada, oo ay Qeyb Ka yihiin Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradu, Miisaanka qaadka la dulmarinayo oo lacag fara badan lasoo Siiyay, Kaas oo lagaga Maarmayo Xamaaliinta.

Shaqaalaha kastamka Kalabeydh, ee badhkood Ka tirsan Yihiin Wasaaradda Maaliyada, ayuu Qalabkani Saameeyay, sida Xamaaliinta, oo Wakhti dheer ka Shaqaynayey, Marka Deegaanka laga hadlana, Dhalinyaro Kooban ayaa iyagguna Wakiilo u ah Qaadlayaasha, Kuwaasi oo Mudooyinkan Dambe hadidaad iyo Xadhig joogto ah La Kulma.

Geesta Kalena Ganacsatada Qaadka ka Ganacsada ayaa iyaguna Ka Biyo diidsan Kumbiyuutarkan Miisaanka ah ee Baabuurtu Fuulayso, Kaas oo Culays badan oo dhiig bax ah ku haya Waxaana Suurtagal ah in ay ka baydhaan Kalabaydh iyagoo ka cararaya Miisaankan, ay Shuraakada ku Yihiin Shirkada Layidhaa SAHAL Agaasimaha guud Gurxan iyo Wasiir Sacad Cali Shire.

SUXUFI; CABDIRAXMAAN NUUX “HIIRAAN”

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

Exit mobile version