WAJAALE NEWS

Saamayntii Uu Dagaalkii Qaboobaa Ku Yeeshay Siyaasadda Dalalka Qaaradda Afrika. Q. 1aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Markii uu soo gaba-gaboobay dagaalkii  qadhaadhaa ee ka dhex qarxay Dalalka Reer Yurub, laguna magaacabo dagalkii labaad ee dunida, wax yar kadib waxa bilaabmay dagaalkii qabooba ee ay  isku hayeen, Iskagana so horjedeen labadii quwadood ee kala ahaa midawgii sofiyeeti  iyo quwadii Maraykanka  (U.S.S.R vs U.S.A ). Dagaalkani muu ahan mid si toosa ay quwaduhu ay isku fara sarayeen, wuxuse ahaa mid siyaasaddeed, wallow ay jireen dagaallo yar yar oo ka dhacay dalalka qaar wakhtigaas. Labadan quwadood, waxa ay kala wateen labadii aragtiyood ee kala ahaa Hantiwadaaga iyo Hanti goosiga.

Muddadii dagaalkii qabooba uu socday oo ku sinayd muddo 45 sanno ah, waxa ay u kuso kala beegantay laba wakhti oo  kala duwanaa.   Qaybta hore oo ahayd intii anay dalalka Afriki helin xoriyadda ee ay hoos imanayeen, gacantana ugu jireen gumaystihi Reer Yurub  Iyo qaybta dame oo kuso beegantay wakhtigii ay Afriki ka xorowday gumaystihii Reer Yurub.

Muddadii u dhaxaysay 1960Kii Illa 1990kii, waxa ay ahayd wakhtii ay heerki u saraysay gaadhay hirdankii u dhaxeyay labadii quwadood ee U.S.S.R iyo U.S.A, sababta keentay in loolankii ka dhaxeyay uu ad u kaco muddadaas, ayaa waxa ay ahayd iyado ahayd wakhti ay dalalka Afrika  ay ka  xoroobeen maamulkii gumaystaha, mid u gaar ahna samaysteen, taaso keentay in quwaduhu tartan u galaan dadalka Afrika, iyadoo mid walaaba uu qorshaha ku darsaday siduu uu gacanta ugu dhigi lahaa dalalka Afrika, kuna guulaysan laha inuu ka dhaadhiciyo barnaamijyaddii u gaarka ahaa, salkana ku hayay dhinaca dhaqaalaha iyo aragtidii siyaasaddeed ee ay markaas kala wateen.

Muddada soddonka sanno ahayd, wallow ay qaaradda Afriki ay xor ka ahayd gumaysi, waxayse haddana dhinaca kale u xidhnayd oo ay u gacan gashay hoggamiyayaal ubadna kuwo ku qabsaday xukuno military oo dhiig ku daatay iyo kuwa aanu ku daadan labadaba, waxana muddadaas dhacay inqilaayadii ugu badna ee ka dhaca qaaradda Afrika.

Dalalkii Afriki, maaddama ay ku jireen wakhti adag, nidaamka dawladnimana uu iska ahaa mid cusub, sido kalana ay aad ugu hoseeyeen dhinaca dhaqaalaha, waxa ay baahi wayn u qabeen inay helleen cid ka caawisa dhinaca nidaamka dawladnimo, xag farsamo iyo xag dhaqaalaba, iyo inay helaan cid gacan ka siisa dhinaca dhisida iyo tayaynta awooda ciidan ee dadalkooda.

Waxa ay hoggaamiyaashii dalalka Afrika ay qorshaha ku darsaden inay samaystaan saaxiibo dhaw-dhaw oo ka caawiya arrimahas, sido kalana ay ka helaan dhaqaalle. Arrintani, waxay fursad siisay quwadihii uu tartanku ka dhaxeeyay. Labadii quwaddood ee markaa ku kala dheeraynaayey  waddamada  Afriki,  waxay u arkayeen in dalalka Afrika oo laga caawiyo xagga dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee ay markaas u baahnaayen  ay tahay waddada ugu fiican ee ay marka iyaguna ku hirgalin karaan, kagana dhaadhicin karaan dadalka qaradda Afrika arragtiyihi dhaqaale iyo siyaasadded ee ay markaas kala wateen.  Waxay u arkayeen waddamada Afrika oo laga caawiyo xag dhaqaale, xag ciidan, sidoo kalana lala sameeyo xididhidh siyaasadded ay suurto galin karo inay si fudud uga faa’idaysan karaan, uguna guulaysan karaan danihii kala duwanaa ee ay  iyagu markaa ka lahaayeen  dalalka qaaradda Afrika.

 

La soco qaybaha dame in sha ALLah.

 

W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Tix-raac.

An Introduction to African politics (Alex Thomson)

Africa in world politics (John and Donald)

Conflict and State security in the horn of Africa: Militarization of social group ( S.S.Wasara)

Addis Ababa, Ethiopia.

Exit mobile version