WAJAALE NEWS

John Drysdale:taliyihii Ciidanka Ingiriiska Oo ka waramaya Dagaalkii Soomaalidu ku Qabsaday Burma Iyo Xeeladda Cadowgii Ku Jabiyeen!

QALINKII; Barkhad-ladiif Qaybtii 2aad:

“qaraxa iyo ismiidaamintu soomaalidu waxay ka keentay barigaasi arkeen nin is qarxiyey”

Cabaas ciidamada uu watay waxay ka koobnaayeen dalal kala duwan iyo umaddo kala gadisan, waxaana ugu yaraa Soomaalida, haseyeeshee waxa uu sheegay in mar walba guulaysan jireen ciidamada ay ku jiraan tiradda yar ee SOomaalida oo waliba loo kala qaybiyey cutubyada kala duwan.

Oday Cabaas waxa uu sheegay in markii uu ogaaday in ciidamada Soomaalidu la socdaan mar walba cadowga jabinayaan uu markii dambe soomaalida gaar u soocay si ay gaarkooda u dagaalamaan, taasina waxay ku abuurtay yididiilo marka soomaalidii koobnayd markay dagaal wada galeen ay si fufud u xoreynayeen aagay ka dagaalamayeen, halka ciidamadii kale ee Yurub ka socday ama Afrikaanka kale mar walba la jabiyo.

Dagaalkii ugu adkaa wuxuu ahaa kii Burma, waxa dhinaca cadowga ka soo jeeda ciidamo Jabaan ah oo aad u tobabaran, waxaanay is waajaheen soomaalidii oo mitid ah, markii dagaalkii bilaabmay waxa iskugu dul dhacday qoraxdii, waxana caado u ah ciidamada Yurub in aan habeenkii la dagaalamin ee waaga lala sugo marka uu taliyuhu amar bixiyo la bilaabo, nasiib daro soomaalidi cidna kama amar qaadan ee habeenimadii bay dagaalkii galeen oo cadowgii ka soo horjeeday ay mireen wakhti aanay filayn inuu dagaal dhaco, aroortii markii uu taliyihii yimid wuxuu arkay aagii dagaalka uu cadowgu ku jiray oo Soomaalidii haysato oo galin horaba ku falaxasheen, taliyihii marna wuu farxay marna wuu naxay, waxaanu soomaalidii ku yidhi “sidan maxaad u yeesheen ma waxaad doonaysa in taliyenimada la iga qaado waa mamnuuc in habeen dagaal la qaado”, haseyeeshee yeeshee soomaalidii waxay ugu jawaabeen mar hadii uu dagaal dhaco ceeb iyo hadal ma leh ee guusha muhiim ah, waxa uu sheegay inuu farxay markii uu arkay calankii Ingiriiska oo meel walba ka taagan iyo ciidamada SOomaalida oo kolba geed yar ka soo hoos baxayaan oo calankii ay iyagu meel walba sudheen oo meel walba ka babanayo.

Taliye Cabaas oo ciidamadiisii u khudbadaynaya ayaa waxa geed meesha ku yaal ka soo baxay taliyihii watay ciidanka Jaban ee ay dagaalameen, intii kale wuu cabsoonayey in la dilo balse markii uu arkay in taliyihi ciidanka Ingiriisku yimid ayuu ka soo baxay halkii uu ku dhuumanayey, isagoo hubkiisii ku jeeni qaaran oo baastoolad laadlaadsanaya ayuu taliyihii hortiisa soo maray, waxaana Yurub u caado ah marka taliye la jabiyo inuu iska reebo khudbad taariikhiya si jiilasha ka dambeeya uga faa’iidaystaan, waxay sugayeen inuu khudbadaasi jeediyo oo uu is dhiibo, wax kale muu samayn kareen oo dhinac walba waa laga xigaa mana dagaalami karo, markii taliyihii Ingiriiska iyo ciidamadii loo khudbadanayey dhexdooda maray ayuu meel aan ka fogeyn isku qarxiyey isagoon hadal.

Taliyaha ciidanka Ingirisku waxa uu sheegay in qofkii ugu horeeyey ee caalamka is qarxiyaa uu ahaa taliyaha jabaanka ee

laga guulaystay, taas oo layaab iyo fajac ku noqotay ciidamadii Ingiriiska.

Cabaas ayaa odhan jirey wakhtiyadii Al shabaab is qarxin jirtay waxa is qarxintan soomaalida usoo gudbiyey ragii ka dagaalamay Burma ee goob jooga ka ahaa taliyaha is qarxiyey, taas baan filaya inay kaga soo daydeen inay soomaalidu imika is qarxiyaan waa sida uu mar walba ku odhan jirey soomaalidii uu la shaqayn jirey.

Sida taariikhdu tilmaamtay soomaalidii u horeysay ee meel isku qarxisaa waxay ahayd dagaalkii soomaalida iyo xabashida, waxaanay dhacday markii lagu dagaalamayey Goday waxay Itoobiyaanku ugu tallogaleen in xerooyinkooda si fudud looga qabsan Karin waxaanay sameeyeen tarajeeyo waaaweyn oo loogu tallogalay in sanado badan gudaha loo soo gali Karin, haseyeeshee soomaalidii markiiba u fikirtay in inta miinooyin la isku xidho loogu daato godadka waaweyn, saacado koobana lagaga saaray goobihii ay ugu tallogaleen inay sanado badan ku dagaalami karaan.

La soco qaybta 3aad.

Exit mobile version