WAJAALE NEWS

Saamayntii Uu Dagaalkii Qaboobaa Ku Yeeshay, Siyaasadda Dalalka Qaaradda Afrika. Q: 2aad. W/Q: Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Akhristayaal sida aynu qormadeenii hore kusoo iftiimanay, waxa ay quwaddiihii isku hayay dagaalkii qaboobaa ay xoogga saareen sidii ay xidhiidh dhaw ulla yeelan lahayeen dalalka Qaaradda Afrika. Waxa xaqiiqo ahayd, in wakhtiyadii dalalka Afrika ay xoriyadda ka qateen gumaysihii Reer Yurub ay ahayd wakhti dawladnimadu bilow ahayd, dalalka badankooduna ay baahi wayn u qabeen in laga caawiyo dhinaca nidaamka dawladnimo iyo dhinaca dhaqaalahaba.

Quwadihii midawgii Sofiyati iyo Maraykanku, waxay xaqiiqasadeen in xaaladda ay dalalka Afrika ay ku sugnaayeen wagaas ay ahayd fursad dahabiya oo muddan in laga faa’idayso.

Quwadaha isku hayay dagaalkii aragtida ku dhisnaa, iyagoo laftarkoodu u ordaayey dhaqaale marka laga yimaad aragtidii siyaasaddeed ee ay kala wateen, waxase haddana geesta kale taalay, muhiimna u ahayd dhinaca Istaraatejiyada ay ka lahayeen Qaaradda Afrika, taaso ay rabeen inay u kala hor maraan, unna kala dheereeyaan.

Hoggaamiyayaashii Afriki, waxay markiiba soo dhaweeyeen dhawaaqyadii kaso yeedhay quwadaha, waxanay qaarkood qateen aragtidii hantiwadaaga ahayd ee uu hor kacaayay quwaddii Midawgii Sofiyati, waxana aynu ka xusi karnaa waddamada  qaatay aragtidaa dalalka ay ka midka ahayeen Ghana, Guinea iyo Mali, sidoo kale  Somalia, Mozambique iyo Angola ayaa  iyaguna gadaal kaga soo biiray, walow dalalkaas qarkood ay wakhtiyadii dambe ka guureen aragtidii hanti-wadagga oo ay u diga rogeen hanti-goosi, dhinacna kala soo jeesteen quwadii Maraynakna sida dalka  Soomaliya oo  dhammaadkii 1977kii  ka diga rogtay aragtidii Midawgii Soofiyati.

Haddaba,  Sida qorshuhu ahaa, waxa dalalka Afrika ay baahi wayn u qabeen in laga caawiyo dhinaca dhaqaalaha.

Quwadii Maraykanka ayaa inii u dhaxaysay 1967-kii illaa 1978-kii waxa uu dalalka Afrika ugu deeqay adduun dhan US$1.6 billion. Geesta kale waxa ay quwaddii middawgii Sofiyati muddada inta u dhaxaysay ay ku deeqeen adduun dhan US$2.7 billion. Dhammaan dhaqalahaasi waxa uu ahaa mid galay dhinaca hubka iyo tayaynta  ciidanka oo wakhigaa dalalka Afrika muhiim u ahaa, aadna ay ugu baahnaayen in laga caawiyo.

Waxa xusid mudan, Quwadii midawgii Sofiyati kali kumuu ahayn aragtidii siyaasaddeed ee uu watay, iyo adeegyadii kala duwana ee uu ugu deeqayay dalalka Afrika, waxase geesta kale jiray oo kula lamaana dalka Cuba. Cuba  waxa ay dalka Afrika usoo direen Engineerro, Macalimiin iyo dhakhaatiir tiro badan, inii u dhaxaysay 1967-kii illa 1976-kii.  Sannadiihii 1970-kii, waxa ay Cuba u soo diray dalalka Afrika qaar kamida sida Angola iyo Itoobiya ciidan dhan 50,000 (kun) oo askari, kuwaaso u jeedadoodu ahayd inay ka dhinac dagaalamaan ciidamada labada dal markii loo baahdo, sidii dhacday dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo itoobiya ee 1977kii, dagaalkaas oo ay ciiddamada Cuba ka ag dagaalamayeen kuwa dalka Itoobiya.

La soco qaybaha dambe in sha allah.

W/Q: Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Tix-raac.

An Introduction to African politics (Alex Thomson)

Africa in world politics (John and Donald)

Conflict and State security in the horn of Africa: Militarization of social group ( S.S.Wasara)

Addis Ababa, Ethiopia.

Exit mobile version