Waxaa jira Cabsiyo badan dadka ku dhaca, haddii aad taqaan nooca cabsida ku haysa waxaa laga yaabaa inaad daawadeeda hesho, halkan ka akhri 21 Cabsiyood oo dadka ku dhaca.
- Cocophobia: Cabsiga fool xumada, wuxuu qofku dareemaa in uu fool xun yahay, warwar iyo walaac weyna way ku haysaa. Dharkasta oo uu xidho, wuxuu u arkaa inuu ku fool xun yahay.
- Anuptaphobia: Cabsida guurka, wuxuu qofku ka baqaa inuu guursado.
- Philophobia: Cabsida in qofku wax jeclaado lana jeclaado, wuxuu qofku gabi ahaanba ka cabsadaa inuu wax jeclaado iyo in la jeclaado.
- Antefamaphobia: Cabsida xanta, wuxuu qofku ka cabsadaa in la xanto laba qof oo kasta oo wada hadlaya, wuxuu u haystaa in ay xamanayaan. Ma ogolaado in uu meel uu fadhiyay ugu hor kaco, wuxuu ka baqayaa in markuu kaco la xanto.
- Nomophobia: Cabsida in Mobile ka baytarigiisa dabku kaa dhaco, qofku wuxuu ka cabsadaa in dabku ka dhaco, wuxuu aad uga naxaa farriinta ( battery law) hadduu ka dhacana, wuxuu dareemaa warwar.
- Haphephobia: Cabsida qofku ka qabo in jidhkiisa la taabto, qofku wuxuu iska ilaaliyaa dadka caadaysta marka ay sheekaynayaan in ay dadka jidhkooda taabtaan.
- Decidophobia: Cabsida go’aan qaadashada, qofku wuxuu ka cabsadaa inuu go’aan qaato, waxaana u muuqata in uu ku guul-darraysanayo go’aan kasta oo uu qaato.
- Euphobia: Cabsida warka wanaagsan maqalkiisa, waxa ay inta badan ku dhacdaa dadka sharka jecel ee markasta in wax xumaadaan iyaga ay ugu dhantahay ayaa ka naxa marka ay war wanaagsan maqlaan.
- Trypophobia : Cabsiyada daloolada wuxuu qofku ka baqaa in meel kasta oo daloosha wax ku jiraan ama ka soo galayaan.
- Aerophobia : Cabsida duulimaadka sida yaraadaha oo kale, wuxuu qofku ka baqaa inuu ku dhinto duulimaadka
- Mysophobia :Cabsida Jeermiska wuxuu qofku ka shakiyaa in uu jeermis gacanta ku taabtay cid kasta oo salaantana uu ka shakiyaa.
- Claustrophobia: Cabsida goobaha cidhiidhiga ah wuxuu qofku ka baqaa meel kasta oo cidhiidhi waxaanu dareemaa in naqasku ku dhagayo.
- Astraphobia : Cabsida Onkadka iyo Hilaaca wuxuu qofku ka baqaa in danab ku soo dhaco, hilaacuna uu cabsi galiyaa.
- Cynophobia: Cabsida Ayda wuxuu qofku ka baqaa Ay oo dhan.
- Agoraphobia: Cabsida meelaha buuqa ah iyo meela cidlada ah.
- Acrophobia: Cabsiga fuulidda meela dhaadheer
- Ophidiophobia: Cabsida Masaska
- Arachnophobia: Cabsida kaneecada
- Ambulophobia: Cabsida waddo ku lugaynta, wuxuu qofku ka baqaa in dad isaga soo eegayaan.
- Peladophobia: Cabsida qofku ka qabo dadka madaxa xiiran ama dhukuran.
- Garascophobia: Cabsida da’da qofku wuxuu nacaa weynaanta oo haddaad ku tidhaa Hooyo, Edo, Habar yar, Adeer, Abti, Aabbo Awoowo uu ka naxaa mana jeclaysto, s