WAJAALE NEWS

CUSMAAN Bin CAFAAN (Amiirkii Mu’miniinta)……..Qayb ka mid ah siiradiisii..

Hargeisa(wajaalenews)-Cusmaan bin Cafaan waxaa uu ahaa amiirkii saddexadaad eee khulafada waxaana ka horeeyey Abii bakar Al Sadiiq iyo Cumer bin Khadaab isagaana ahaa amiirkii saddexaad ee Islaamka.

Cusmaan waxaa soo islaamiyey Abii Bakar maalin maalmaha ka mid ah ayey is arkeen Cumaan iyo Abii Bakar markaasuu Abii-bakar ku yidhi:- Cusmaanow waxaad tahay nin go’aan leh oo aanu xaqu baadilka kaga dhex dhuuman Karin kuwan sanamyada abhi ee ayy caabbudayaan tolkaaa miyaanay ahayn kuwa indho, dhego iyo afba la’, waxna arkayn waxna maqlayn waxna aan tarayn caabudaya? Markaasuu yidhi:- Haaheey! Ilaahay baan ku dhaartaye wa sidaa.

Wuxuu yidhi Abuuu-bakar:- Haddaba waa ka Muxammed uu Allaah u soo diray dhammaan khaliqiga si uu dhanbaalkiisa u gaadhsiiyo ee ma dooneysaa inaan kuu geeyo oo aaad wax ka dhegeysato? Markaaa buu Cusmaan yidhi haaa.

Iyagoo xaalaaddaas ku sugan baa waxaa soo maray Rasuulkii(SCW) Alle scw markaasuu Abuu-bakar xagiisii u dhaqaaaqay oo haddana sii hoos ah wax ugu sheegay Rasuulkuna(scw) wuxuu u soo dhaqaaqay dhankii Cusmaan isagoo dhoola caddeynaya wuxuuna ku yidhi:- waar Cusmanooow! Ajiib Allaaah iyo janno anigu waxaan ahay ergeygii uu alle usoo diray adiga iyo dhamaan khalqiga oo dhan”.

Wuxuu yidhi Cusmaan:- Allaah baan ku dhaartaye waxba maanan sii hanan markii aan hadakiisa maqlay illaa aan ka islaamay oo aan ka qiray inaanu jirin Allaah la caabbudo oo aan ka ahayn Ilaahay xaal uu yahaay kali oo aanay jirin wax cibaaadada lala wadaajiyo, Muxammedna(SCW) uu yahay adoonkiisii sidaa ayuuna ku soo islaamay Cusmaan bin Cafaan Ilaahayna waxa uu garan siiyey Diinta Islaamka.

Cusmaan wuxuu yidhi markaan soo islaamay ma aan sii nagaane ilaa uu Rasuulku(scw) ii guuriyey gabadhiisii Ruqayah bint Muxammed(scw) oo uu Rasuulku(scw) dhalay.

Waxaana la odhan jiray laba isqaba (waa nin iyo gabadhiisee) oo zowjeyn ah waxaa ugu wanaag badan Cusmaan iyo Ruqaya, MAASHAA ALLAA wuxuuna guurkoodu dhacay soo diritaankii Rasuulka(scw).

Sababta uu Rasuulku(scw) Ruqayah ugu dhisay Cusmaan ayaa waxa ay ahayd……………la soco.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

Exit mobile version