WAJAALE NEWS

Sheekh Ber beraawi Oo Ummada UFaah faahiyey Sifooyinka Adoomada Ilaahay SW Lagu Noqdo, Ee Cadaabta Lagaga Badbaado!

HARGAYSA(W,N)-Sheekh Cabdillahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo kamid ah culimada Somaliland ayaa khudbadii jimcaha ee maanta kaga hadlay sifooyinka Ilaahay SW adoomadiisa ku jeclaado marka ay la yimaadaan, ayaa ku bilaabay, qofka bani’aadamku derejooyinka ugu sareeya uu gaadho wa ainuu noqdo adoon Ilaahay SW jecel yahay, markaa muhiimadu wa ain qofwalba ku dedaalo siduu adoon Ilaahay SW jecelyahay u noqon lahaa, taasoo faa’iidooyinka ugu horeeya ee qofku helayo noqon doonto inuu ka badbaado cadaabka (Ilaahay SW ha innaga badbaadiyee, Aamin), waxaanu ku guulaysan doonaa Janooyinkiisa naciimka ah.

Sheekh Berberaawi ayaa sheegay in Nebigu CSW xadiis ku yidhi, sida imam Axmed ku werinayo musnadkiisa, “Ilaahay SW ma cadaabo adoon uu jecel yahay” oo yeeshay sifaadkii Ilaahay SW ku jeclaan lahaa. Ilaahay SW haduu ku jeclaado wuu ku ilaalinayaa, oo diintaada, naftaada, ehelkaaga iyo shaqsiyadaada ayuu kuu ilaalinayaa. Waxaad noqonaysa aadoon Ilaahay SW wanaag dhamaantii uu waafajiyo.

Xadiisal Qudsi Rasuulku NNKH uu Ilaahay SW ka weriyey, ee Imaamul Bukhaari saxiixiisa uu ku qoray, “Adoonku markuu guto waajibaadka, kuna darro sunneyaasha, Ilaahay SW waxuu yidhi waan jeclaanayaa,” taasoo natiijadiisu noqonayso, inuu Ilaahay SW adoonka ilaaliyo, oo xumaanta ka dhowro, maqalkiisa ayuu u ilaalinayaa, aragiisa ayuu u ilaalinayaa, gacmahiisa ayuu u ilaalinayaa oo xaaraan kuma taabanayo, lugihiisa ayuu u ilaalinayaa, xaaraan ugu socon mayo? Haduu baryo ducada waa laga aqbalayaa, haduu cid sharkooda magangelyo ka weydiistana, Ilaahay SW wuu magangelinayaa.

Nebigu CSW waxuu sheegay hadii adoon Ilaahay SW jeclaado, waxuu u dhawaaqa Malakul Jibriil, oo ku yidhaahdaa ‘waxaan jeclaaday hebel, ee adiguna jeclow’ markuu Jibriil, jeclaado ayuu u dhawaaqaa makhluuqaadka Samada oo yidhaahdaa, “Ilaahay  SW hebel wuu jeclaaday, idinkuna jeclaada’ makhluuqaadka samadu marka ay jeclaadaan, ayaa makhluuqa dhulka loo soo dejiya, oo aqbal iyo kalgacayl Ilaahay SW dhulka u dhigaa’.

Sheekh Cabdillahi Berberaawi ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii adoonku isku weydiin lahaa asbaabaha Ilaahay SW adoomada ku jeclaado, ka dibna naftiisa miisaanka saaro inuu leeyahay sifaadka Ilaahay adoomadiisa ku jeclaado? si uu ugu dedaalo ku dhaqankeeda. Ilaahay SW kitaankiisa ayuu inoogu sheegay sifaadka qofkii yeesha adoomadiisa uu ku jeclaado, sifaadkaa oo fudud, cidduu Ilaahay SW u fududeeyo. Ilaahay SW waxuu u ballanqaaday adoonka naftiisa la jihaada, inuu wadooyinka saxda ah klu hanuuninayo. Sifaadka kitaabka Ilaahay SW lagu sheegay inuu adoomadiisa ku jeclaado, waxa ka mid ah sifada Alle-ka-cabsiga oo adoonku naftiisa iyo cadaabka Ilaahay SW wax iskaga gudbo? Ilaahay SW waxuu jecel yahay adoomada taqwada ku sifooba! Nebigu CSW waxuu xadiis inoogu sheegay “Ilaahay Sw waxuu jecel yahay adoonka taqwada ku sifooba, hogaansama, kana amar-qaata, aan is-muujin ee qanniga ah, ee xalaasha Ilaahay SW siiyey ku qanacsan.’

Sifaadka kala duwan ee Ilaahay SW adoomadiisa ku jeclaado waxa ka mid ah;

Exit mobile version