WAJAALE NEWS

DAAWO; Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Qarxay Shirgudoonka Wakiillada Somaliland iyo Doodaha Labada Dhinac

Hargeysa(Wajaalenews) Khilaaf hor leh oo salka ku haya wareejinta haamaha shidaalka Berbera ayaa ka dhex qarxay  Shirgudoonka golaha wakiillada Somaliland. Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen oo isku dhinac ah ayaa ku kala aragti duwan wareejinta Haamaha shidaalka.

https://youtu.be/_QM6IzmQIWg

Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada oo saxaafadda kula hadlay xafiiskii xarunta wakiillada ayaa sheegay in guddoomiye Cirro dib u celiyay warqad qoraal ah oo madaxweyne Siilaanyo ku soo celiyay qaraarkii goluhu ku laalay wareejinta Haamaha shidaalka Berbera. Waxa uu sheegay inaanay celinta digreetada madaxweynuhu ahayn mid shir gudoonku u dhan yahay balse ay ahayd mid guddoomiye Cirro kaligii goostay.

Sida la ogyahay Baashe Maxamed Faarax ayaa maalintii golaha wakiilladu codka aqlabiyadda ah ku diiday in xukumaddu wareejiso haamaha kaydka shidaalka waxa uu ka baxay fadhiga isagoo muujinaya sida uu uga soo horjeedo go’aanka golaha.

Guddoomiye Cirro oo isaguna saxaafadda kula hadlay isla xarunta wakiillada ayaa kuxigeennadiisa u soo jeediyay inay golaha kala mid ahaadaan ilaalinta hantida qaranka. Waxa uu ku dooday in hab awoodiisa iyo sharciga waafaqsan uu u celiyay go’aanka madaxweynaha, maadaama aanay sharciga ku qornayn awood madaxweynuhu ku soo celin karo go’aanka goluhu gaadhay.

 

Exit mobile version