WAJAALE NEWS

DAAWO; “Waanu Diidnay Inaanu ka Qayb Galo Meel Qof Loogu Cumaamadayo, Meel Aan Caddaaladdi Jirin..Muuse U Daba Fadhiisan Mayno Xisbiga..” Murashax Maxamed Biixi

Hargaysa(Wajaalenews)  Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ahna, musharax u taagnaa jagada musharaxnimada madaxweyne ee Kulmiye, ayaa xaaraan ku tilmaamay shirka golaha dhexe ee Kulmiye salaasadda qabsan doono.

Wuxuu sheegay inaanu shirkaasi ahayn mid loo dhan yahay, sidaasi darteedna aanay garab ahaan ka qayb gali doonin, wuxuuna madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo wada jirka bulshada iyo midnimada xisbiga Kulmiye.

Waxa uu sheegay inaanay aqbali doonin musharax kasta oo ka soo baxa shirka Kulmiye, sidaas darteedna aanay cidna u daba fadhiisan doonin hogaanka xisbiga Kulmiye. Wuxuu sheegay in boob cad iyo afduub lagu soo saarayo cidda ka soo baxda Kulmiye

 

Exit mobile version