NAIROBI(Wajaalenews) Dadweynaha Kenya ayaa isu diyaarinaya inay soo dhaweeyaan Madaxweyne Obama oo goor dhow la filayo inuu ka digo magaalada Nairobi, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirka caalamiga ah ee ha abuurka ganacsiga.
Waa booqashadii ugu horaysy oo isaga oo madaxweyne ah uu ku tago Kenya oo aabihii ka soo jeedo.
Booqashada ayaa ah mid si wayn loo sugayay, waxaana loo malaynayaa in sababaha uu hore ugu booqan waayay ay ka mid ahayd dacwadii maxakamadda caalamiga ah ay ku soo oogtay madaxweynaha Kenya uhuru Kenyatta, inkastoo markii dambe ay maxkamaddu dacwaddii laasahay iyada oo la waayay caddaymo ku filan .
Ammaanka magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo sida laga war qabo ay Kenya hore uga dhaceen falal argagxiso sanadihii u dambeeyay kuwaasi oo ay fulisay kooxda Al Shabab.