WAJAALE NEWS

“Siyaasadan Somaliland Waxba Yaanay Ina Wareerin Maadama Cidii Ilaahay U Qoray Uun Ay Ku Guuleysan Doonto”. Jamaal Cali Xuseen

Samadda ayeey ka qoran tahay, hebelbaa hebel taageeray Iyo hebel kalaa ka soo horjeeddda wax micno ah oo ay sameynaysaa ma jirto. Tii Ilaahay uun baa shaqaynaysa, waxba yaanay siyaasiyiinta aynu raadkooda soo baranay aanay wax weyn inooga dhigin. Ninka Obama la yidhaa isagoo 47 jira oo nin madow ka ah dalka Maraykanka, ayuu ka badiyey mujaahidkii weynaa ee la tartamaayey. Taariikhda Hore ugamay dhicin nin madow OO madaxweyne Maraykan ka noqda. Dalka Kanada waa la socoteen oo nin 43 jir ah ayeey doorteen. Weli cid Ugu yeedhay sa waa wiil Yar ma jirto. Qofkii Ilaahay wax la doonayo wixii dabar ku ah oo dhan Ilaahay baa uga hor qaadaya. Ilaahay waxaanu ka baryeynaa maalintaa Jimcaha ah haddii uu kheyr noogu jiro, ummaddana kheyr Ugu jiro OO guul dalka ay u tahay in uu nagu guuleeyo, haddii Kalena nalaga hayo. Haddii naloo gartayna wixii dabar ah nalaga hor qaado, kuwii Ummadda u Shaqeeya Ee xoolahooda u ilaaliyana Ilaahay naga dhigo. Ilaahayoow xoolaha danyarta cid u ilaalisa Ugu dhiib.

 

Exit mobile version