WAJAALE NEWS

Gudoomiyihii Guddida Doorashooyinka Gobolka Sanaag, Xildhibaan Qamar Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ciidamada Puntland Ka qafaasheen Bariga Sanaag.

HARGAYSA(Wajaalenews) Wararka hor dhaca ah ee naga soo gaadhey degaannada Sanaag-bari ayaa sheegaya in xubno isugu jira Komishanka Doorashooyinka  Qaranka, Xildhibaanno Degaanka Ceerigaabo, Iyo Urur Wacyigelineed ayaa goor dhoweyd oo maanta ah waxa ciidammo katirsan maammul-goboleedka Puntland ay ka qafaasheen degaanka Sanaag-bari gaar ahaan meel u dhexaysa magaalooyinka Yubbe iyo Hadaaftimo.   Xubnahan la qafaashey oo laga tilmaamay Guddoomiyaha Komishanka G/Sanaag Axmed Cali Biixi Guddoomyaha Ururka Waddaniga ah Ee Taakulo  Cumar Jaamac Faarax iyo Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax oo katirsan golaha degaanka Ceerigaabo ayaa subaxnimadii saaka iyagoo ka ambabaxay magaalada Ceerigaabo waxay usii jeedeen dhinaca Magaalada Badhan ee Sanaag-bari si ay halkaas ugasoo fuliyaan wacyigelinta qaadashada kaadhka doorashada ee bulshada.   Waxana sida la sheegay meel dhexe ka helay ciidan qalalbaysan oo ka mid ah Ciidanka Puntland u jooga degaannada Sanaag-bari waxana xubnahaas iyo gaadiidkii ay wateen ciidankaasi usii qafaasheen dhinaca jahada bari ee ay u socdeen.   Maayorka Degmada Badhan C/lle Maxamuud Cabdi oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aannu arrintan wax uga weydiinno ayaa wuxu yidhi “Goor dhoweyd ayaan maqlay in ciidankaas Puntland dhexda kaga hortageen oo ay soo wataan welina nama soo gaadhin, mana jirto cid annaga nagala soo xidhiidhay ama xataa noosoo sheegtay inay noo imanayeen”.   Wararka  kale qaarkood ayaa sheegaya in ciidanka qafaashey mas’uuliyiintaas ay geeyeen islamarkaasna ay ku xidhan yihiin isla gudaha magaalada Badhan. Waxana wararku intaas kusii darayaan in ilaa xalaytoba ay jireen ciidammo wata gaadiidka teknikada oo dhinaca Puntland kazoo gaadhayey magaalada Badhan   Dhinaca kalena xubnahan la sheegay in la qafaashey qaarkood oo aannu isku daynay inaannu la xidhiidhno si aannu xog dhab ah uga helno xaaladdooda ayaanay noo suurta gelin telefoonnadooda oo dhici waayey awgeed.

Exit mobile version