WAJAALE NEWS

Waftigii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Si wayn loogu soo Dhoweeysay magaalada Badhan

Ceerigaabo(Wajaalenews) Weftiga komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland hoggaaminayeen oo saaka si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hadaaftimo ayaa waxayduhurnimadii manta hore u gaadheen Magaalada Badhan ee Sanaag-bari.

 

Weftiga ayaa halkaas oo ay maanta qadada ku lahaayeen si weyn loogu soo dhoweeyey waxayna kulanno la qaateen madax-dhaqameedka iyo waxgaradka kale ee degaannadaas ku dhaqan kuwaasoo iyaga iyo weftigu ka wada hadleen hawsha weftigu u socdo ee ah xog ogaal u noqoshada degaannadaas iyo in diiwaangelintu ka suurtagelayso.

Dhinaca madax-dhaqameedka iyo waxgaradka kale ee bulshada degaankaas ayaa sida la sheegay iyaguna dhinocooda weftiga u caddeeyey in bulshada degaannadaas Sanaag-bari guud ahaan diyaar u tahay sidii ay wax ula qaybsan lahayd bulshada kale ee Reer Somaliland soona dhowaynayso diiwaangelinta xilliga dhow laga samaynayo Somaliland.

 

Sikastaba ha ahaatee tallaabadan ayaa u muuqata horumar dhinaca siyaasadda iyo is fahamka oo bulshada Sanaag-bari dhinocooda laga dareemayo waxana la filayaa taasi inay sababto horumarro waaweyn oo dhinacyada arrimaha bulshada ah oo degaannadaas ka hirgala.

 

Exit mobile version