WAJAALE NEWS

DAAWO;;Gudoomiye Muuse Biixi Oo Meesha Ka Saaray Inuu Madaxweyne Siilaanyo Garabka Saaray,Fariina Udiray Cabdicasiis Samaale.

Hargaysa:(Wajaalenews)- Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka haya ee KULMIYE,ayaa maanya meesha ka saaray inuu Madaxweyne Siilaanyo si toos ah u taageeray,taas oo ay si weyn uga Biyo-diideen Xubnihii ugu cuslaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Gudoomiyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargaysa,ayaa waxa uu intaas raaciyay in Xisbiga lagu tartami doono,isla-markaasna marka la gaadho 10 November,ay dalka ka dhici doonto Doorasho garbo siman ah,waxaana uu sheegay in aanu jirin meel uu Madaxweyne Siilaanyo ku shaaciyay inuu isaga si toos ah ula safan yahay,waxaana uu intaas ku daray In Saaxiibadiisa hadda xilalkii ay hayeen baneeyay ay isku ogaayeen in si daah-furnaan ah loo tartamo,taasina ay ahayd go’aankii ugu danbeeyay ee ay ku kala Tageen.

https://youtu.be/C_V8un92_8I

 

Exit mobile version