|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;;Gudoomiye Muuse Biixi Oo Meesha Ka Saaray Inuu Madaxweyne Siilaanyo Garabka Saaray,Fariina Udiray Cabdicasiis Samaale.
October 27, 2015 - Written by Editor:Hargaysa:(Wajaalenews)- Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka haya ee KULMIYE,ayaa maanya meesha ka saaray inuu Madaxweyne Siilaanyo si toos ah u taageeray,taas oo ay si weyn uga Biyo-diideen Xubnihii ugu cuslaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Gudoomiyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargaysa,ayaa waxa uu intaas raaciyay in Xisbiga lagu tartami doono,isla-markaasna marka la gaadho 10 November,ay dalka ka dhici doonto Doorasho garbo siman ah,waxaana uu sheegay in aanu jirin meel uu Madaxweyne Siilaanyo ku shaaciyay inuu isaga si toos ah ula safan yahay,waxaana uu intaas ku daray In Saaxiibadiisa hadda xilalkii ay hayeen baneeyay ay isku ogaayeen in si daah-furnaan ah loo tartamo,taasina ay ahayd go’aankii ugu danbeeyay ee ay ku kala Tageen. https://youtu.be/C_V8un92_8I
Related posts:DAAWO;-Jabhadii Col Caare Iyo Tiknikadii Ay Wateen Oo Si Rasmi Ugu Biiray Ciidanka Qaranka Jsl. Wafti Uu Hogaaminayo Madaxwaynaha DDS Oo lagu Soo dhaweeyay Magaalo Xuduudeedka Wajaale Iyo Ujeedada... Xildhibaan Shaaciyay Wakhtiga Madaxwayne Biixi Golaha Wakiilada Horkeenayo Waxka Badalka Xeerka Furi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|