Hargeisa(Wajaalenews) :- Dhacdadan Aadka u foosha xun ayaa argagax galisay shacabkii deegaanka degenaa, waxaana lagu arkay meel 15 km u jirta caasimada Hargeisa kaga beegan waqooyiga magaalada goobo lagu ururiyey kumanaan kaadhadhkii dhalashada ee dhawaan xukuumadu bixisay oo lagu soo guray joonayado, islamarkaana dab la qabadsiiyey, waxaana dadka deegaanka degan oo telefishanka somaliland space channel ka waraystay sheegeen in ay garteen kaadhadhka qaar aanu dabku wada gaadhin magacyada dadkii lahaa kaadhadhkan ee lagu diwaangaliyey, islamarkaana fajac iyo amakaag ay ku noqotay, waxaaney dadkan rayidka ahi falkaas ku tilmaameen mid aad u fool-xun,
Arinta ayaa lahayd wali cidii gubtay iyo sobabta loo gubayba inkasta oo wasaarada arimaha gudaha masuul ka ahayd kaadhadhka dadka iyadoo noqontoonta fadexad qaran.
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA KAADHADHKAN LA GUBAY