WAJAALE NEWS

Wasiirka Beeraha Oo Kooxo Mudaharaada Ka Abaabuley Boorame iyo Ciidamada Booliska Oo Ka Hortagey

Boorame(Wajaalenews)-Magaalada boorama ayaa caawa waxa ka dhacay mudaraad kaasi ay soo abaabuleen, Kooxo kamid ah dadka ku xidhan Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ee Magaalada Boorame gaar ahaana jufadiisa hoose ayaa mudaharaad ka abaabuley Gudaha Magaalada Boorame, kaas oo ay xiisad kaga kicinayeen Magaalada islamarkaana, sida la sheegay ay kalsooni ka haysteen Wasiirka Beeraha oo telefoon kula soo xidhiidhay isagoo ku sugan dalka Jarmalka.

Ilaa iyo hada lama garanayo sababta ay Wasiirka Beeraha beeshiisa kooxo kasoo jeedaa uga bilaabeen Magaalada Boorame rabshadahan kooban ee Magaalada Boorame, taas oo laga hortagey kadib markii ay Ciidamada Boolisku kusoo baxeen iyadoo mudaharaadkani ka dhacey nawaaxiga Dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Cali Jowhar, inkastoo dadka waaweyn ee kunool Gudaha Magaalada Boorame ay aad uga xanaaqeen arintan waxaana lahadal hayey in arintani tahey mu,amaraad kayimid Wasiirada Xukuumada ee kasoo jeeda Gobolka Awdal oo ku xumeynaya Madexweyne Kuxigeenka kadib markii dhawaan la isku khilaafey arintii qeybsiga Kuraasta Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, oo Beesha (Habarcarfaan), loo diidey in uu soo xulo Wasiirka Beeruhu maadaama aanu ahaan jirin Xisbiga Kulmiye, islamarkaana uu Golaha Xukuumada kusoo galey arin casaabo iyadoo uu soo galiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo uu seedi uyahey waxaana la sheegay, in ay mudaharaadkan ka jawaabayaan guud ahaanba beelaha kale ee Gobolka Awdal.

Waxa kale oo ay wararku intaa ku dareen in mudaharaadada noocan ahi ay dabada ku hayaan riyo loo riyooday Wasiirka Madaxtooyada Xirsi taas oo lagu fasilayay in uu noqonayo Madexweyne arintan oo la sheegay in Wasiirka Beeruhu ku howlan yahey ololaheeda habeen iyo maalinba.

Sikastaba ha ahaatee,guud ahaanba dadweynaha Reer Somaliland oo ku guda jira debaaldega xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May ayaa siweyn uga cadhooday mudaharaadka kooban ee caawa ka dhacey Magaalada Boorame kaas oo aan hore looga baran xiligan oo kale Reer Awdal waxa loo dheg taagayaa jawaabta ay ka bixiyaan Bulshada kale, inkastoo la sheegay in Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Aayir oo barnaamijyada Wasiir Xirsi iyo Geedoole ka fuliya Magaalada Boorame uu fanaaniintii Gobolka Awdal u diidey munaasibada Xuska 18Ka May in ay ka qeyb qaataan.

 

Wajaalenews desk

Borama  Office

Email;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version