DAAWO; Dhacdo Ugub Ah “Kaadhadhkii Aqoonsiga Muwaadiniinta Somaliland Safafka Dhaadheer u Galeen Qaadashadiisa Oo Lagu Arkay Goobo Lagu Gubay”, Duleedka Hargeisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Dhacdo Ugub Ah “Kaadhadhkii Aqoonsiga Muwaadiniinta Somaliland Safafka Dhaadheer u Galeen Qaadashadiisa Oo Lagu Arkay Goobo Lagu Gubay”, Duleedka Hargeisa.
October 9, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) :-  Dhacdadan Aadka u foosha xun   ayaa argagax galisay shacabkii deegaanka degenaa, waxaana lagu arkay meel 15 km u jirta caasimada Hargeisa  kaga beegan waqooyiga magaalada goobo lagu ururiyey kumanaan kaadhadhkii dhalashada ee dhawaan xukuumadu bixisay  oo lagu soo guray joonayado, islamarkaana dab la qabadsiiyey, waxaana dadka deegaanka degan oo telefishanka somaliland space channel ka waraystay sheegeen in ay garteen kaadhadhka qaar aanu dabku wada gaadhin magacyada dadkii lahaa kaadhadhkan ee lagu diwaangaliyey, islamarkaana fajac iyo amakaag ay ku noqotay, waxaaney dadkan rayidka ahi falkaas ku tilmaameen mid aad u fool-xun,

 

 

kaadhadh

 

Arinta ayaa lahayd wali cidii gubtay iyo sobabta loo gubayba inkasta oo wasaarada arimaha gudaha masuul ka ahayd kaadhadhka dadka iyadoo noqontoonta fadexad qaran.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA KAADHADHKAN LA GUBAY

kaadhadh 1 kaadhadh 2 kaadhadh 3

COMMENTS
LINKS