WAJAALE NEWS

Xukuumada muddadii La doortay dhamaatay iyo garabka ururka SOLJA ee daba-dhilifka u ah waxay dib u bilaabeen Xeer saxaafadeed cusub, (SSJW)

Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland (The Somaliland Society of Independent Journalists and Writers (SSJW)

Ujeedo: Warsaxaafadeed; Xukuumada  muddadii La doortay dhamaatay iyo garabka ururka SOLJA ee daba-dhilifka u ah waxay dib u bilaabeen Xeer saxaafadeed cusub, (SSJW)

Xukuumadda Madaxwaynaha muddadii La doortay ay dhamaatay ee Axmed Siilaanyo iyo garabka ururka SOLJA ee daba-dhilifka u ah ayaa todobaadkan waxay soo cusboonaysiiyeen ololaha dhawrka jeer ee hore ka dhicisoobay ee ay ku doonayeen inay Golaha Wakiiladda ka ansaxsadaan Xeer saxaafadeed cusub, kaas oo ka kooban qodobo lagu tirtirayo xoriyadda saxaafadda ee distooriga ah isla markaana suura-galinaya in aanay dalkan sinaba uga jirin warbaahin madaxbanaan oo danbe.

 

Haddaba  haddii aanu nahay ururka SSJW waxa aanu aaminsahay in aan loo baahnayn xeer saxaafadeedkan cusub ee ay xukuumadu la dhukusayso, sababta oo ah dalkan waxa uu leeyahay xeer saxaafadeed intii ay Somaliland jirtay lasoo saaray oo dhaqan-gal ah. Xukumaddani shantii sanadood ee ay taladda dalka haysay waxay saxaafadda u adeegsanaysay xeerka ciqaabta guud ee Somalia (Penal Code), taas o ay distoor jabin ay ku mutaysanaysay in xilka laga xayuubiyo qofka madaxwaynaha ka ah, hadii ay dalkan ka jiri lahayd waax sharci-dajineed oon u habranaynin waaxda fulinta.

 

Shacbiga reer Somaliland awalba quusbay ka joogeen xukuumadda Siilaanyo markii ay cagta hoosteeda galisay dimuqraadiyadii soo dhisnayd ee dalkan ka hana-qaaday ee caalamkuna ku majiiran jiray Somaliland ka hor intii aanay iyadu xukunka la wareegin. Maanta oo ay beeshii caalamkuna ka talo-baxeen oo arrintii xafiiska EU-du wali qoyantahay inay hadana xukuumadani sii wado habdhaqanadii lagu nacay waxay ina tusaysaa in aanay waxba xeerinaynin oo aanay waxba ka galin, waxkastoo dalka wax ugu filnaa.

 

Sidaas darteed waxaanu shacbiga reer Somaliland iyo Golaha Wakiiladda ugu baaqaynaa inay is-garabtaagaan ooy nala difaacaan xoriyatul-qawlka gaar ahaan xoriyada saxaafadda isla markaana warbaahinta madaxabanaan iyo ururada saxaafadda gacan ku siiyaan fashilinta xeerka saxaafadeed ee ay xukuumadu damacsan tahay inay mariso Baarlamaanka.

 

 

Afhayeenka SSJW Maxamed Ibraahim Sagax

 

 

Exit mobile version