Labada geesood oo seeska u dhigay shan qodob oo ay ka mid tahay in gudi daba gasha dhaqan-galinta xeerka saxaafada ee 27/2004 oo ka kooban saxaafada iyo baarlamaanka la sameeyo.
Hargysa(Wajaalenews); : mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland oo ay hormood ka yahay ururka SOLJA ayaa isku waafaqay in xukuumada Somaliland dhaqan galiso xeerka saxaafada Somaliland ee xeer no 27/2004 sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen shan qodob oo uu ka mid yahay in la sameeyo gudi ka kooban labada dhinac ee wakiilada iyo saxaafada gudidaas oo daba gasha dhaqan galinta iyo ka shaqaysiinta xeerkaa saxaafada ee xeer no 27/2004
Sidaana waxaa la iskula qaatay kulan maanta ka dhacay huteelka maansoor ee magaalada hargaysa kulankaas oo uu soo diyaariyay ururka SOLJA ayna maal galisay hayada horumarinta dimuqraadiyada ee NED kulankaa waxaa kasoo qayb galay 7 xilibaan oo ka kala socday gudi hoosaadyada golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha gudida arimaha bulshada xasan cawaale caynaan iyo 23 weriye oo ka kala socday xarumaha warbaahinta Somaliland ee madaxa banana iyo ta dawladaba waxaaana kulankaa lagu lafo guray caqabadaha hortaagan xeerka saxaafada iyo sidoo kale dhibaatada suxufiyiiinta ka haysata xadhiga sharci darada ah ee kusii badanaya saxaafada Somaliland iyo sababta uu u shaqayn layahay xeerka saxaafada Somaliland iyo heshiiskii ururka SOLJA iyo xukuumada Somaliland oo ilaa heer madaxweyne gaadhsiisnayd ay ku galeen January 2012 in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada ee 27/2004 iyo arimo kale oo farabadan oo lagu falanqeeyay kulankaas kadib Waxaa kasoo baxay shan qodab oo kala ah.
1. In la sii xoojiyo xidhiidhka wada-shaqaynbeed ee Golaha Wakiilada iyo Saxaafada xorta ah
2. In la sameyo Guddi wada jir ah (joint-commitee) oo ka kooban saxaafada iyo golaha oo dabagasha ixtiraamida xoriyatal qowlka iyo dhaqan gelinta xeerka saxaafada
3. In la dhiiri galiyo dhaqangelinta xeerka saxaafada ee 27/2004 isla markaana aan loo bahnayn in la samayo xeer saxaafadeed hor leh iyadoo aan kii hore lagu shaqayn .
4. in Golaha Wakiiladu sameeyo xafiis u gaar ah saxaafada oo ka hawl-gala isku soo dhaweynta labada dhinac
5. in ay saxaaafadu ixtiraanto kuna dhaqanto xeerka saxaafada ee 27/2004 iyo xeerasha kale ee caalamiga ah ee mihnadooda wanaajinaya
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA SOMALILAND
EMAIL;wajalenews@gmail.com