WAJAALE NEWS

ururka SSJW Oo Cambaaraysay Xayiraada Mar Kale Lagula Dul Dhacay Wargeyska HUBAAL Iyo Xadhiga Lagula Kacay Wariye Ka Tirsan Wargeyska Haatuf

War-saxaafadeed

Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland (The Somaliland Society of Independent Journalists and Writers (SSJW) wuxuu si adag u cambaaraynayaa Xayiraada mar kale lagula degdegay Wargeyska Madaxabanaan ee Hubaal iyo xadhiga lagula kacay Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan wargeyska Haatuf. Kaas oo aanu u aragno mid qayrul sharci ah, caga-juglayn iyo kalidii talisnimo, daba socda, xayiraada qayrul sharciga ah ee lagula kacay Wargeyska Haatuf iyo hawlwadeenadiisii.

Waxa kale oo ururka SSJW uu si adag u cambaaraynayaa xayiraada degdega ah ee lagula kacay wargeyska madaxabanaan ee Hubaal oo xayiraadii hore Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ka qaaday 11 January 2015-ka oo doraad ku beegan, isla markaana maalin kadib xayiraad lagu soo rogay.

Talaabadaasi waxayy Ururada Saxaafada Iyo Shacabkaba ku noqotay Amakaag iyo Aargagax ka turjumaysa siyaasad xumada xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo sida ay sharciyadii dalka ugu tumatay una cadaysatay in madaxbanaanidii saxaafada ay cabudhinteedii iyo caga-juglaynteediiba ay sii laba jibaartay, distuurkii iyo xeerarkii dalkana ay laalaabtay, iyadoo taasi ay cadayn u tahay faragalinta qaawan ee xukuumada Siilaanyo ku hayso hay’adaha Garsoorka, warbaahinta Madaxbanaan iyo Suxufiyiina ka hawlgalaba.

Sidaa darteed waxa ururka SSJW ugu baaqayaa madaxweyne Siilaanyo inuu faraha kala baxo hay’addaha Garsoorka iyo Cabudhinta uu ku hayo warbaahina Madaxabanaan, una hogaansamo shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala, isla markaana uu aakhiradiisa iyo khaatumadiisa u tudho, si bilaa shuruud ahna uu ku sii daayo Suxufiga Naasir Aadan Maxamed iyo Wargeysyada Xayiran ee Hubaal iyo Haatuf.

 

 

Allaa Mahad Leh

Maxamed Ibraahim Sagax,

Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxbanaan ee Somaliland.

The Somaliland Society of Independent Journalists and Writers (SSJW)

 

Exit mobile version