WAJAALE NEWS

WAR DEG DEGA; Mid Kamida Ciidanka Sirdoonka Somaliland Oo Caawa Isku Dhex Toogtay Xarunta Sirdoonka Ee Gobolka Maroodi Jeex .

HARGAYSA(Wajaalenews) Wararka aanu ka helayno ilo ku dhow dhow xarunta sirdoonka somaliland ee gobolka maroodi jeex ayaa noo xaqiijiyay in mid kamida ilaalada xarunta sirdoonka gobolku uu caawa fiidkii isku dhextoogtay xarunta gobolka maroodi jeex oo ku taala Tulba taariyada Agteeda Amaba Galbeedka Guriga Madaxwayne kuxigeenka Somaliland.

Sida ilo Xogogaala oo  ku dhow dhow xarunta sirdoonka gobolku  u xaqiijiyeen shabakada wararka ee wajaalenews ayaa waxay tibaaxeen ninkan marxuumka ahi Oo lagu  magacaabo Maxamed Axmed Saaqid oo ahaa nin dhalinyaro ah  uu caawa u lahaa Shaqada gaadhka xafiiska isagoo sida ay ilahani tibaaxeen isku dhuftay qorigiisi isla markaana uu u geeriyooday xabadaa.isagoo iskaga dhuftay xabada madaxa waasid ay hadalka u dhigeene.

xogaha ayaa intaa ku daray in markii ay soo gaadhay madaxdii xafiisku isla markiiba loola cararay cisbitaalka wayn ee hargaysa si loogu baadho  xaaladihiisa

waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in dhamaanba la xidhay xubnihii ay shaqada wada lahaayeen

sikastaba ha ahatee wali macada sobobtay uu marxuumkani isku dilay  iyo xaaladiisa caafimaadtoona

wixii wararar ah ee kasoo kordha kala soco shabakada wararka ee WAJAALENEWS

 

 

 

 

 

 

Exit mobile version