|
|||||
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEGA; Mid Kamida Ciidanka Sirdoonka Somaliland Oo Caawa Isku Dhex Toogtay Xarunta Sirdoonka Ee Gobolka Maroodi Jeex .
August 24, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Wararka aanu ka helayno ilo ku dhow dhow xarunta sirdoonka somaliland ee gobolka maroodi jeex ayaa noo xaqiijiyay in mid kamida ilaalada xarunta sirdoonka gobolku uu caawa fiidkii isku dhextoogtay xarunta gobolka maroodi jeex oo ku taala Tulba taariyada Agteeda Amaba Galbeedka Guriga Madaxwayne kuxigeenka Somaliland. Sida ilo Xogogaala oo ku dhow dhow xarunta sirdoonka gobolku u xaqiijiyeen shabakada wararka ee wajaalenews ayaa waxay tibaaxeen ninkan marxuumka ahi Oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Saaqid oo ahaa nin dhalinyaro ah uu caawa u lahaa Shaqada gaadhka xafiiska isagoo sida ay ilahani tibaaxeen isku dhuftay qorigiisi isla markaana uu u geeriyooday xabadaa.isagoo iskaga dhuftay xabada madaxa waasid ay hadalka u dhigeene. xogaha ayaa intaa ku daray in markii ay soo gaadhay madaxdii xafiisku isla markiiba loola cararay cisbitaalka wayn ee hargaysa si loogu baadho xaaladihiisa waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in dhamaanba la xidhay xubnihii ay shaqada wada lahaayeen sikastaba ha ahatee wali macada sobobtay uu marxuumkani isku dilay iyo xaaladiisa caafimaadtoona wixii wararar ah ee kasoo kordha kala soco shabakada wararka ee WAJAALENEWS
Related posts:War Deg Deg Ah: Ambasador Baashe Cawil oo Ka Dareen Celiyay Bedelka Uu Ku Sameeyay Madaxweynuhu iyo ... Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gaadhigii Cali Khaliif Galayd... “Burcona Way Wanaagsan Tahay Hargaysa Iyo Berberna, Idinkaa Qabsaday Reer Burcooy”Wasiir Siciid Sulu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|