Nairobi (Wajaalenews)- Midowga Yurub ayaa beeniyey inay xidhayaan xafiiskii ay ku lahaayeen caasimada Somaliland ee Hargeysa, oo maalmahii u dambeeyey warbaahinta gudaha iyo dibeddu qorayeen.
Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Michele Cervone D’urso ayaa sheegay in Midowga Yurub ku taagan yahay wada shaqeyntii u dhexeysay Somaliland.
Mr. D’urso oo farriin maanta ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa ku beeniyey wararkii sheegayey in Midowga Yurub xidheen xafiiskoodii Hargeysa waxaanu yidhi,
“Midowga Yurub waxa uu ku taagan yahay wada shaqeyntii u dhexeysay Somaliland, isla markaana sugan yahay joogitaankoodii Hargeysa.”
Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. D’urso oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyey,
“Waxaan u wareegaynaa xafiis cusub.”
Hadalka Mr. D’urso ayaa ku soo beegmaya warar maalmahii u dambeeyey Guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka Waddani iyo Ucid iyo warbaahinta maxaliga qaarkood ku sheegeen in Midowga Yurub xidheen xafiiskoodii Hargeysa, sababo la xidhiidha go’aankii Golaha Guurtidu ku kordhiyeen muddo-xileedka xukuumada Somaliland.