Hargeysa (Wajaalenews)-Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan Golaha guurtida Somaliland kana mid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Sanaag Beri Iyo Laascaanood Ayaa Taageeray horumarka wasiirka caafimaadka Somaliland kawad gobolada Beriga.
Xildhibaan Indho-indho waxaa uu sheegay inay magaalada Hargeysa joogaan Xildhibaano la mid ah Cali Khaliif Galaydh oo kadaba qaylinaya wasiirka Caafimaadka oo magaalada Buuhoodle ka saaray Cali Khaliif Galaydh.
Xildhibaan Indh-indho ayaa sheegay Ciidamada Qaran ku daba jiraan Siyaasiga dibad meerka ah ee Cali Khaliif Imikana ay Kasaarayaan Balli Cabane. “ Magaalada Buuhoodle ayay in carqalad ahi ka jirtay, Ciidamadii qarankuna meel Ballicad la yidhaa ayay eryanayaan Ninkaas Cali Khaliif, Ciidanka qaranka iyo wasiirka Caafimaadka ayaanu arrintaasi ku amaanaynaa, Madaxweynaha iyo xukumaddana waanu ku ammaanaynaa,”Sidaasi Ayuu Yidhi Xildhibaan Indho-indho.