HARGAYSA(W,N)-XIldhibaan abwaan xasan dhuxul laabsaalax ayaa ka hadlay heshiiska ay Somaliland la gashay dawlada itoobiya isagoo sheegay in uu soo dhawaynayo waxkasta oo Somaliland usoo kordha
Sidoo kale xildhibaan xasan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxda somaliya oo dalkooga ay joogaan ciidamo itoobiyaan ah iyo kuwo Kenya iyo amisonba in ay ku mashquulaan waxa usoo kordha Somaliland islamarkaana aanay jirin wax la yidhaa shan somaliyeed balse ay jiraan dad somaliyeed
Dhanka kale xildhibaan xasan dhuxul ayaa suxufiiyiinta Somaliland mucaarid iyo muxaafidba ugu baaqay in ay umidoobaan danta Somaliland
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;