WAJAALE NEWS

Xukumadu Hadii Ayna Waxba Qabanayn Maxay Heshiiska ula Gashay Xisbiyada Mucaaridka ah.

Waxa aynu wada ognahay in golaha guurtida ee soomaliland uu sameeyey mudo kordhin taasoo ay xisbiyada mucaaridka iyo qof walba oo damiir lihi uu diiday sababta ay u diideena ay tahay laba arimood.

Labadaa arimood oo kala ah:-

  1. Dastuurka soomaliland oo aanu waafaqsanayn iyo
  2. Mudada la kordhiyey oo noqtay mid ay dhegaha dadku diideen

Waxa aynu wada ogayn in markii lagu dhawaaqay go’aankii guurtidu ay diideen xibiyada mucaaridku oo ay qaadaceen isla markaana ay ku diideen labadaa qodob ee aynu kor ku soo sheegnay taasoo markii ay dastuurka looga waayey qiil la yidhi bal wax kale aynu raadino taasoo la soo dhigay in ayna dadkku haysan kaadhkii lagu codaynayey iyo waayahay ee ha la sameeyo diwaan galinta ka dibna mudadii ay komishanku sheegeen mudo ka badan lagu daray oo la garan waayey mudada intan leeg ee la kordhiyey ayaa xukumada oo arkaysa khashifaada in ay tahay ayey xisbiyada mucaaridka u fidiyeen gogol.

Gogoshaa ay xukumadu dhigtay waxaa ku dhawaaqay oo isla markaana hogaaminaayey madaxweyne ku xigeenka soomaliland mud. Cabdiraxman ismaaciil saylici oo yidhi dhamaan saddexda xisbi mucaarid iyo muxaafidba waxaanu u fidinaynaa gogosha wada hadalka oo waxaanu doonaynaa in aanu ka wada hadalno sidii aanu iskula eegi lahayn mudo kordhinta ay guurtidu samaysay.

Saddexdii asxaab qaranba way aqbaleen mucaarid iyo muxaafidba waana laga soo wada qayb galay arinkiina waa la falanqeeyey waxaana ay soo saareen wixii ay ku heshiiyeen saddexdii xibi iyo xukumadiiba.

Maantana waxa ay leedahay xukumadii go’aanka guurtidu waa sharci………. Hadaba hadii go’aanka guurtidu uu yahay mid sharci ah maxay tahay tababta ay xukumadu ay ula saxeexatay heshiiska ee ay ugu furtay wada hadalka? Hadii ayna xukumadu fulinayn?.

Wabilaahi Towfiiq

Maxamed Cali Sheikh Cumar.

Mataan448@gmail.com

Exit mobile version