WAJAALE NEWS

Gorfeynta xeerka jinsiyadda (Xeer Lr. 22/2002) W/Q: Jibriil Jirde

Dhibaatada ugu weyni waxay ka taagan tahay qodobka 9aad oo u kala baxa afar farqadood, waliba dhaliisha u weyni halka ay taalla waa labadda farqadood ee 2aad
 

Xeerkani waxa uu ka soo dheegmayaa dastuurka, qodobkiisa 4aad oo tilmaamaya in jinsiyadda xeer qeexi doono.

Xeerka jinsiyadda Soomaalilaan waxa la ansixiyay 2002dii, markaas oo uu golaha si ku meel gaadh ah u hoggaaminayay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, madaxweynihii wakhtigaas ee saxeexay na waxa uu ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, sidaas ayaannu dhaqan-gal ku noqday. Xeerkani waxa uu ka kooban yahay 14 qodob. Waxa uu ka hadlayaa qeexitaan guud, jinsiyaddu waxay tahay, sida lagu heli karo, sida lagu lumin karo, dhaarta iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Dhibaatada ugu weyni waxay ka taagan tahay qodobka 9aad oo u kala baxa afar farqadood, waliba dhaliisha u weyni halka ay taalla waa labadda farqadood ee 2aad iyo 3aad oo tibaaxaya :

  1. Gabadha muwaadin ah ee guursata nin ajanabi ah, way waayaysaa muwaadinimadeedii, haddii ay qaadato jinsiyadda ninkeeda.
  2. Gabadha muwaadin ah ee uu qabo nin lumiyey muwaadinimada Somaliland ee qaata jinsiyad kale, way luminaysaa muwaadinimadeeda haddii aannu ninku laaji noqon.

Hadda ba yaa guursan kara hablaha reer Soomaalilaan, si aanay u lumin muwaadinnimada?

Si ay u haysato muwaadinnimada Soomaalilaan oo aanay u lumin waxa guursan kara, keliya muwaadin Soomaalilaan ah.

Guurkii hablaha oo aan xawaare badan ku socon hadda na in la soo koobo xadka guurka hablaha, liidinimo weyn iyo anshax xumo ayaa ku jirta. Faquuq iyo koobidda hanka hablaha ayaa ku jira. Qodobkaasi waxa uu si toos ah uga hor imanayaa baaqa guud ee xuquuqal insaanka, waxaa na habboon in uu meesha ka baxo.

Yaa muwaadin ah?

Waxa sheegaya qodobka 4aad ee dastuurka, qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana isiran dadkii degenaa dalka Somaliland 26kii Juun 1960kii iyo ka hor.

Haddii ay guursato ajanabi maxaa dhacaya?

Waxay waayaysaa muwaadinnimada Soomaalilaan.

Muxuu ka qabaa arrintan baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanuhu( UDHR)?

Qodobka 16aad ee baaqan ayaa tibaaaxaya,
Ragga iyo dumarka qaadh gaadhka ah, iyada oo aan loo eegayn qoomiyad, dal ama diin ,waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan oo ay qoys samaystaan. Xuquuuq isku mid ah ayay u leeyihiin guurka, inta la is qabo iyo furniin ka ba.

XAD-GUDUBKA XEERKA

Waa inuu u ogolaanayo ragga, haddii ay dumar ajanabi ah guursadaan ay muwaadiniin noqonayaan xaasaskoodaasi shuruud la’aan, waliba ay jinsiyadda sii haysanayaan haddii uu ninku furo. Halka gabadha muwaadinadda ah ee dalka u dhalatay, guursata na ajanabi ee ogolaata jinsiyadda saygeeda ay luminayso muwaadinnimada Soomaalilaan.

ISBURINTA XEERKA.

Mid ayaa muhiima in lagu baraarugo, gabadhu mar walba oo ay ajanabi guursato ma waayayso muwaadinnimada, waa haddii ay keliya aqbasho jinsiyadda ninkeeda, hadda ku darso oo muwaadinnimadeedi Soomaalilaan kama aanay tanaasulin, taasi na waxay ku tusinaysaa iska horimaadka xeerkan, maadaama isla qodobka 2aad ee xeerkani muwaadiniinta u bannaynayo qaadashada laba jinsiyadood/dhalasho.

MAXAA XAL AH!

In dib u habayn ( Ammendment) lagu sameeyo xeerkan, laga na saaro qodobadda aan la jaanqaadi karin wakhtigan ee ku lidka ah xuquuqda bini’aadamka iyo haweenka.

Sharciyaqaan: Jibriil Jirde

Email: Jirde40@gmail.com

 

 

Exit mobile version