WAJAALE NEWS

WASIIR SAMSAM CABDI AADAN OO NOQOTAY WASIIRKA UGU WAXQABADKA BADAN WASIIRADII LA SOCDEY WEFDIGII MADAXWEYNAHA SOMALILAND QALINKII: CABDIKAKARIIM MUXUMED CADDE(QAAMUUS)

GABILEY(WAJAALENEWS);Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland marwo samsam cabdi aadan ayaa noqotay wasiirkii ugu waxqabadka badnaa dhamaan wasiirada madaxweyne axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) ku wehelinaya socdaalka uu ku marayo gobolada dalka.
Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam cabdi aadan ayaa noqotay wasiirka kaliyaata ee waxqabadkiisu ka siman yahay dhamaan gobolada Somaliland waxaana intii wefdiga madaxweynuhu ku gudo jiray socdaalkiisa uu ahaa waxqabadka kaliya eee indhaoodu qabayeen waxqabadka wasaarada waxbarashada oo ka muuqday dhamaan dalka gobol ilaa tuulo goobta uu madaxweynuhu istaagana waxaa diyaar ku aaa raxan macalimiin ah iyo arday ka tirsan wasaarada waxbarashada oo si wacan u soo dhawaynayay.
Waxaan shaki ku jirin marwo samsam cabdi aadan inay tahay wasiirkii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sarre tan iyo intii ay jirtay Somaliland, maxaa yeelay marwo samsam cabdi aadan waa wasiirkii ugu horeeyay ee dhamaan dugsiyada hoose dhexe ee Somaliland ka diga waxbarashada bilaash ama bilaa lacag. Waxaan ka mid ah guulaha kale ee marwo samsam cabdi aadan ku talaabsatay intii ay xilkan wasaarada waxbarasada haysay in macalimiin tiro badan oo bilaa gunno ahaa markii ay la wareegtay wasaarada kuwaasi oo ku teedsanaa magaalooyinka waawayn iyo dhamaan tuulooyinka gobolada Somaliland in wasiir samsam ay u qortay dhamaan gunooyinkii iyadoo muujisaqy dadaal deeraad ah taasina waa mid ka mid ah waxyaabaa kalsoonida xad dhaadfka ah marwo samsam ay kaga heshay tuulo ilaa tuulo gebi ahaan geyiga Somaliland.
Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa waxqabad baaxad leh ku talaabsatay intii ay xilka haysay wasiir samsam cabdi aadan iyadoo taasina ay horseeday marwo samsam cabdi aadan oo a shaqsi aqoon iyo khibrad dheeraad a u leh wasaaradanwaxbarashada iyadoo marwo samsam cabdi aadan ka soo hawgali jirtay isla wasaaradan tan iyo waktigii ay jirtay dawladii la isku odan jiray soomaaliya gaar aaan waaxda manaahiita.
Sikastaba ha ahaatee hadii aynaan isku qirin guusha iyo libta shaqsi inaga mid ahi soo hooyo waligeen kob caano leh ka soo biyo cabi mayno waxayna dhamaan bulshoweynta gobolada dalku ka marag kaceen waxqabadka baaxada leh ee marwo samsam cabdi aadan ku talaabsatay mudadii ay haysay xilka wasaarada waxbarashada Somaliland sidaasi awgeed waxaa haboon oo aanu u soo jeedinaynaa madaxweynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo inuu bilad sharaf gudoonsiiyo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sarre marwo samsam cabdi aadan

QALINKII:QORAAGA WAYN ; CABDIKAKARIIM MUXUMED CADDE(QAAMUUS)

 

Exit mobile version