Kooxdan oo magaceeda la yidhaa IFTIN, kuna metali doonta xirfadda kubadda kolayga Wasaaradda Waxbarashada, ayaa daahfurkeeda laga shaaciyey xaflad lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa maanta, taasi oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xildhibaanno, madax kala duwan, dhallinyarada ciyaartoyga kooxda cusub iyo marti sharaf kale oo u badan bahda ciyaaraha.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga iyo Dhallinyarada Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) oo furitaankii xafladdaasi ka hadlay, ayaa sheegay in aasaaska kooxdan kubadda kolaygu tahay mid ka timi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadoo aan cidi ula tagin ay keligeed garatay inay maalgeliso dhallinyaro ku ciyaarta magaca wasaaraddeeda.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada, isla markaana hore u ahaa ciyaaryahan kubadda kolayga ah oo ka mid ah dadkii soo xulay kooxdan cusub, ayaa ku ammaanay wasiirka doorka ay qaadatay iyo weliba qalabkii ay ku ciyaari lahaayeen oo dhar, dirays iyo kabo ka kooban oo isla xafladda lagu wareejiyey dhallinyarada kooxda IFTIN.
Xoghayaha guud ee Gudidda Olambikada Qaranka Mubararak Farah Xidhigle oo isna goobta ka hadlay, ayaa ku hambaleeyey Wasiirka Waxbarashada tallaabada ay qaaday, isagoo ku dhiirigaliyay kooxda cusub ee Iftin inay muujiso dadaal iyo karti si ay ku noqoto mid ku tartanta tartamada heerka koobaad.
Wasiir-samsam
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Ahmed (Dhabbeeye), ayaa isna khudbad dheer oo uu xafladda ka jeediyey kaga warramay siyaasadda horumarinta wasaaradda Ciyaraha ee dhinacyada dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo weliba waxyaabihii u qabsoomay wasaradiisa.
Waxa kale oo uu ammaan ballaadhan u jeediyey Wasiir Samsam oo uu ku tilmaamay inay tahay wasiirka kaliya ee intii Somaliland jirtay soomaray wasaaraddaasi ee kaalin muuqata ka qaadata ciyaaraha dalka, isla markaana ay taariikhdu xusi doonto. Sidoo kalena, waxa uu ku boorriyey wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee kale inay samaystaan kooxaha ciyaaraha si ay uga qaybqaataan horumarinta ciyaaraha iyo badbaadinta dhallinyarada.
Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo xafladda soo xidhay, ayaa guud ahaan dhallinyarada waddanka kula dardaarantay inay ku dadaalaan waxbarashada iyo ciyaaraha oo ah laba isku lammaan oo aan kala hadhin, kana fogaadaan balwadaha ragaadiyay da’yarta.
“Waxaannu dhallinayarada u samayn doonaa xarun ciyaareed (club) wayn oo ay isugu yimaadaan. Dhallinayarada Somaliland way nasiib badan yihiin oo waxay hoos yimaadaan labada wasaaradood ee waxbarashada iyo Ciyaaraha. Ugu yaraan 400 arday oo danyar ah ayaanu sannadkiiba ka bixinaa jaamacadaha dalka, waa arrin wax wayn u tartay dhallinyarada, laakiin marka la barbar-dhigo baahida guud ee dalka ka jirta waa mid aad u yar. Waxaannu ku rajo waynahay inaanu sii wadno dadaalkayagan oo aannu wax kasta oo aannu hayno si siman oo caddaalad ah ugu qaybino dhallinyarada Somaliland. Waxaannu ku dadaali doonaa inaannu gobol kasta ka samayno kooxda IFTIN ee Wasaaradda Waxbarashada, kooxdan maanta (shalay) aanu la wareegaynaa waxay noqon doontaa xulka qaranka ee wasaaradda oo hormood u noqon doonta dhamaan kooxaha,” ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane